Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole oo ka tacsiyeeyay gaaridii Ugaas C/raxmaan

by wadani | Monday, Jan 4, 2016

Garoowe : HN :– Madax-weynihii hore ee Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa isagoo ka tiiraanyeysan wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska reer Ugaas, ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Ugaas Cabdu-Raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magaallada Balad-Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madax-weynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu danbigiisa dhaafo naxariistiisii Janana ka waraabiyo, wuxuuna qoyska reer Ugaas iyo ehellada iyo qaraabada kale Alle uga baryay Sabur iyo iimaan buuxa iyo inaysan gadaashiisa fidnoobin “Aammiin”.

Madax-weynihii hore ayaa sidaasoo kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaallada Balad-Weyne inay nabadda isu kaashaadaan khilaafaadka jirana lagu xaliyo wada hadal iyo waan-waan, lana dhamays tiro hawlihii nabadeed ee uu marxuumka waday “Innaa Lilaah wa-innaa Ileyhi Raajicuun”

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa si lama filaan ah maalintii shalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!