Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu soo dhaweeyay Hargeysa

by admin | Monday, Jul 20, 2015
CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

Hargeysa : HN :– Dad badan ayeey lama filaan ku noqotay in madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole uu ka dego magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland, halkaa oo waliba siweyn loogu soo dhaweeyay.

C/raxmaan Faroole waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo salaadiin reer Soomaaliland ah, kuwaa oo sheegay in ay siweyn ugu faraxsan yahay imaantinka Faroole ee Soomaaliland.

Salaadiinta Soomaaliland ayaa waxaa ay ku sifeeyeen C/raxmaan Faroole in uu yahay shaqsi wanaagsan oo mudan in lagu soo dhaweeyo Hargeysa, madaama ayeey yiraaheen si wanaagsan uu ula dhaqmay salaadiin reer Soomaaliland ah oo mar arrimo gaar ah u tagtay Garoowe.

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

Xogheynta C/raxmaan Faroole oo uga horeeyay Hargeysa ayaa ku macneeyay safarkiisa inuu yahay mid qoys, maadaama xaaskiisa hore ay ka soo jeedo Hargeysa, isla markaana qoyskeeda iyo eheladeeda uu uga tacsiyadeynayo geeridii ku timid marwadiisa oo wiil ay dhashay uu ku dilay Garowe dhowr bilood ka hor.

Warbaahinta ayaa siweyn looga ilaalinayay in ay sawirro ka qaataan soo dhaweynta C/raxmaan Faroole, hasse ahaatee waxaa laga hellay muuqaal kooban oo muujinayay sidda loo soo dhaweeyay.

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 80

C/raxmaan Faroole ayaa mudo 10 cisho ah ku sugnaan doona magaalada Hargeysa, waxaana la fillayaa in uu la kulmo maalmaha soo socda madaxda ugu sareysa Soomaaliland.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!