Madaxweynuhu ha keeno qof uu la shaqeyn karro Damu-jadiidba allaha ka dhigee

by Yahye | Tuesday, Dec 9, 2014

Hiiraan Net; HN;- Waxaa dhaqanka siyaasada Soomaalida noqday in madaxweye kasta iyo raisulwasaarihisu is qabtaan iyadoo waxa leeysku hayaana aay tahay in marka horaba aanay isku mabda ahayn, hadaba soow ma haboonaan lahyn in madaxweynuhu keensado cid ku fekera kooxda lagu xanto ee Damujadiidba allaha ka dhigee, shaqsiyan in koox xisbiya aay wadan u taliso anigu waxaan u arkaa inay tahay horumar in kastoo Soomali badan aay u arkaan dib u dhac, siiba markey maqlaan Damujadiid.

Hadaan sii fasiro wadamada reer galbeedka amaba wadamada aay ka jirto dimuquraadiyadu waxaa ka taliya xisbi ee kama taliyaan shaqsiyaad aan isku feker ahayn, marka hadii nin ka soo jeeda xisbiga Dabujadiid laga dhigo raisulwasaare waxay ila tahay in qilaafku dhamaan lahaa umada Soomaaliyeedna horumar gaari lahaayeen, waxaana abuurmi lahaa xisbiyo kale oo kula tartama awooda dalka.

Hadaba talo kale ayaa ah in madaxweynuhu si looga baaqsado xarig jiid danbe oo dhex mara madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha imandoona waxaa lagama maarmaan ah in maskax fayow lagu hoga-tusaaleeyo madaxweynaha dalka, Xasan Sh. Maxamuud, taasoo ah waajibaad ina wada saaran inaynu dalka ka badbaadino muran iyo isqab qabsi danbe oo soo if baxa kaasi oo dalka ku sababi kara dib-u-dhac aan laga soo waaqsan karin.

Maadaama madaxweynaha ay tahay inuu soo xulo qof kii noqon lahaa ra’iisul wasaaraha qaranka, markaasi waxa nala gudboon oo kaliya inaan si saliim ah uga talo bixino.

1- Ugu horayn ra’iisul wasaaruhu waa inuu noqdaa qof la shaqeeyay madaxweynaha iyo kooxdiisa isla markaana la shaqayn kara buuq la’aan si loo gaaro ahdaafta 2016.

2- Waa inuu noqdaa qof aqoon iyo waayo aragnimo durugsan leh.

3- Waa inuu noqdaa qof ayna beesha caalamku buufis ka qabin si ayna cadaawadda ka dhalata ugu keenin dalka dibu dhac kale

4- Waa inuu noqdaa qof ayna dalalka jaarka ah xasaasiyad ka qabin.

5- Waa inuu noqdaa qof ayna bulshada Soomaaliyeed u haynin dhaliilo waa wayn iyo ceebo ka dhashay taako kamid ah badda iyo barriga oo uu duudsiyay ama iibsaday.

6- Waana inuu noqdaa qof aan lagu daalin daydaygiisa iyo baadi goobkiisa si uusan waqti badan ugu dhumin ayadoo tixgalin la siinayo talooyinkii beesha caalamka ee ahaa in 15 maalmood guduhood lagu soo xulaa ra’iisul wasaare iyo xukuumad dhamays tiran.

Waxay ila tahay in dastuurka wax badan laga bedelo, waliba laga saaro qodobada iska hor imaanaya, qodobadaas oo dhigaya in madaxda dowladu isku awood yihiin, gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanadu ha ka shaqeeyaan sidii dastuurka loo sixi lahaa qodobada marwalba iska horkeenaya madaxda dalkana meesha uga saaraan.

Hiigsigeena 2016 waa doorasho xor ah oo ku saleysan 1-cod 1-qof iyo xisbiyo siyaasadeed oo uu dhisan yahay heykalka dowladeed.

Hiiraan Net

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!