Madoobe Nuunoow Max’ed oo wasiir ka noqday maamulka koonfur galbeed Soomaaliya

by admin | Wednesday, Mar 4, 2015

Baydhabo : HN :– Madoobe Nuunoow Max’ed oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee lixda gobol, islamarkaana saldhig u ahaa khalalaase siyaasadeed oo mudo dheer ka taagnaa magaalada Baydhabo dad badanna ku naf-waayeen ayaa ugu danbeyntii ka noqday mamulka koonfur galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan wasiirka xanaanada xoolaha.

Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa la arkayay isaga oo garab taagan madaxweynaha maaamulka Koonfur galbeed Soomaliya ShariifMadoobe-nuunow-1 Xassan Sheekh Aadan oo uga mahad celiyay Madoobe Nuunow Max’ed in uu aqbalay in uu u magacaabay.

“Waa ku qanacsanahay xilka la ii magacaabay, waxaa cadeynayaa inaan ka tanaasulay wixii hore, wixii hada ka dambeeya waxaa ka shaqeyn doonaan horumarinta xanaadana xoolaha”ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa intaa ku darray in Madoobe Nuunoow Max’ed uu yahay siyaasi miisan culus ku leh deegaannada Koonfur galbeed Soomaaliya, siddaa daraadeed uu dhawaan u magacaabi doono xil kale oo ka sii muhiimsan kan hadda loo magacabay ee ah wasiirka xanaanada xoolaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!