Madoobe Nuunoow” waxba kalama socono doorashada la sheegay in ay Baydhabo ka dhacday

by admin | Tuesday, Nov 18, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha maamulka Lixda gobol Madoobe Nuunoow Max’ed oo ilaa maalintii shalay la hadal hayay in uu ku biiray mamulka saddexda gobol ee uu hogaaminayo Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa beeniyay wararkaas, isaga oo sheegay in uu waxba kala socon doorashada ka dhacyda Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in idaacadaha oo kaliya uu ka maqlay in Shariif Xassan Sheekh Aadan loo doortay madaxweynaha maamulka saddexda gobol, laakiin waxaa uu sheegy in arintaasi waxba ka quseynin maamulka uu hogaamiyo ee Lixda gobol.

“Arrintaas annaga nama quseyso, annaga waxaan jecleyn in la wadahadlo, gogol ayaan fidinnay, waxaan u gudbinnay baarlamaanka maamulka lixda gobol; waxaa la isku raacay in gogol la fidiyo si ay mowqifkooda sharraxaad uga siiyaan kuwa dhisaya maamulka saddexda gobol iyo maamulka Jubba,” ayuu yiri Madoobe Nuunoow.

Sidoo kale, Nuunoow ayaa sheegay in dhankooda ay weli diyaar u yihiin inay la hadlaan cid walba oo tabasho qabta, isagoo xusay inMadoobe iyo siyaa tallaabadan ay tahay mid quseysa ciddii sameysatay, maamulkoodana uusan qayb ka ahayn.

“Heshiiskii aan la galnay dowladda waxaa ka mid ahaa in la wada-hadlo si looga hortago inay dhibaatooyin ka dhacaan magaalada, welina diyaar ayaan u nahay inaan heshiiskaas uu sii socdo,” ayuu Nuunow hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Madoobe Nuunow ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay ku baaqeen in muddo laba toddobaad ah la joojiyo shirka Baydhabo, si loo wadahadlo, balse dhinac madaxweynaha doortay ay u muuqdaan kuwo ka tallaabsaday go’aanka madaxda dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!