Magaalada Beledweyne oo laga xusay aas-aaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

83.Beledweyne : HN :– Munaasabad lagu maamuusayay xuska 71-sano-guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo lagu qabtay gudaha saldhiga booliiska ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada booliiska iyo marti-sharaf kale.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay inDCIM104MEDIA ciidamada booliiska Soomaaliyeed maanta oo kale u tahay maali weyn, maadama ay u dabaal-dagayaan 71 sano-guuradii ka soo wareegtay waqtigii la aas’aasay, waxaana uu sheegay in taaasi ay muujineyso taariikhda fog
ee ciidamada booliisku leeyihiin.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo  munaasabada ka hadllay ayaa hambalyo guud u dirray ciidammada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan oo sidda uu sheegay ah ciidammo lagu faani karo marka la eego wax qabadkooda.

83cGuddoomiyaha ayaa sheegay in ciidammada booliiska waqti adag ku soo shaqeeyeen isaga oo tusaalle u soo qaatay weerarkii lagu qaaday 19 Octoobar sanadkii 2013-ka saldhiga booliiska magaalada Beledweyne kaasoo ay ku nafwaayeen tiro ka mid ah ciidammada booliiska gobolka Hiiraan.

83fUgu danbeyntii ciidammada ayaa intii ay soctay munaasabada soo bandhigay gaado ka cayaar siweyn ay ula dhaceen ka qeyb-galayaashii munaasabada xuska aas-aaska ciidammada booliiska, iyaga oo muujinaya cududa iyo awood ay u leeyihiin sugida ammniga gobolka guud ahaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!