Magaalada Jönköping/Sweden ayaa laga iibiyey masjid weyn,

by Yahye | Friday, Dec 21, 2012 | 572 views

Magaalada Jönköping ee dalka Sweden ayaa lagu wadaa in laga iibiyo masjid weyn, oo markiiba aay ku tukan karaan ilaa 1000 qofood, masjidkan oo dhulka uu ku fadhiyo aad u weynyahya ayaa lagu helay qiimo dhan 18 milyan oo kron oo u dhiganta 2,8 milyan dollar.

Hadaba waxaa dadka muslimiinta ah laga codsanyaa inay ilaahay dartii ugu kaalmeeyaan beydka Alle, wax lacaga oo loo hayo ma jirto waa mid laga sugayo walaalaha muslimiinta ee ku nool dunida dacaladeeda,  lacagta ayaa waxaa loo baahanyahay in lagu bixiyo muddo 2-sanno gudohood ah, hadii kale meesha waxaa la wareegi doona shirkad doonaysa inay meel ganacsi ka dhigato, fadlan kaalmo ka geyso.

Like it? Share it!