Magaallada Muqdisho oo la dhagax-dhigay Akdeemiya dhaqameedka afka hooyo

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN :–Magaaladda Muqdisho ayaa maanta ,waxaa lagu dhagax dhigay Akadeemiyad dhaqameedka afka Hooyo taasoo xarun u noqon doonta Magaaladda .

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo soo gaaray Muqdisho iyo madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Akadeemiyad dhaqameedka afka hooyo.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xarunta akadeemiyada ah wax badan ka640x480xDSC06402.jpg.pagespeed.ic.n03ZTRT3BT tari doonto horumarinta afka Soomaaliga,waxaana laga dhisayaa degmada Shangaani ee goboka Banaadir.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey ,waana booqashadii labaad uu ku yimaado magaaladda.

Munaasabad ballaaran ayaa ka socota Hotel City Place ee magaaladda Muqdisho,waxaana ka qeybgalaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo marti sharaf tira badan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!