Mahadsanid mudane Madaxweyne. WQ. Abdiaziz Mohamed.

by Yahye | Thursday, Sep 13, 2012

Marka ugu horeysa waxaan halkan uga hnbalyaynayaa Madaxweynaha jagada ka dagay iyo kan kale ee hada soo koray, kuwaas oo labadoodaba muujiyay wejiga wanaagsan ee siyaasadda cusub ee soomaaliaya iyo waaga cusub ee u baryay Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan jiilka cusub ee hana qaaday kuwaas oo ay muuqato in ay dhayayaan boogihii ay gaysteen jiilkii ka horeeyay oo ay ku habsatay nasiib darada dalkana ka dhigay kan dunida ugu hooseeya dhan walba.

Hadii aan u soo laabto Ujeedada maqaalkayga ayaa ah mid daba joogto maqaal aan horay u qoray markii Madaxweyne Sheekh shariif  lagu doortay dalka jabuuti markaas oo aan ka codsanayay labo arimood oo u muuqday mustaxiil laakiin aan u arkaayay wax loo baahan yahay, arimahaas  oo ahaa  in maalinta uu Madaxweynuhu jagada ka dagayo in uu wareejiyo laba sheey oo muhiim ah oo uu dalku leeyahay oo dhisan kuwaas oo kala ah.
A-Garsoor madax banaan
B- Ciidan qaran.

Ka eeg Linkiskaan Maqaalkii Hore:http://www.miisaanka.com/article.php?articleid=821 .

Nasiib wanaag labaadaas sheey waxay naqdeen labadii sheey ee ugu horeysay ee uu madaxweyne Shariif ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo ay intaas dheer tahay in uu dhisay oo uu wareejin doono mudane  Shariif wax walba oo ay ahyad in ay dowlad kala wareegto dowladii ka horeysay sida Dhaqaale,shaqaale,Maamulo gobol iyo kuwo degmooyin, Xiriiryo siyaasadeed oo diyaarsan hadii ay ahaan lahayd kuwo wadamo deris ah iyo kuwo caalami ahaba. IWM.

Hadii aan dib u yara jaleecno wax yaabihii dhici jiray kolkii ay dowlad soomaaliyeed xukunka la wareegayso waxaan daah naga saarnayn in Madaxweynuhu la wareegi jiray magac kaliya iyo wadan aan ciidan lahayn, wadan aan garsoor lahayn wadan la mid ah canug xalay dhashay oo u baahan wax walba ama hadii aan si kale u iraahdo dowlad aan cagaha dhulka u oolin.

Laakiin maanta  WAABAA BARYAY BILICSAN , Madaxweyne Shariifna  wuxuu ka galay taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah, wuxuuna wareejiyay dowlad leh magacii iyo macnihii dowladnimo, waxaanan rajaynaynaa in uu ku socdo wadadii uu wax ku xukumayay xalayna uu ku wareejiyay iyo in uu ku shaqeeyo balantii uu qaaday, Madaxweyne Shariif wuxuu soo celiyay karaamadii iyo sharafkii uu lahaa wadanka iyo muwaadinka soomaaliyeed wuxuuna markale inoo muujiyay in ay suura gal tahay in aan cagaheena dib isugu taagno.

Anagana dhan keena waxaan u balan qaadaynaa Madaxweyne Shariif hadii Taariikhdii Mudane Aadan C/le Cusmaan (cade) uu waayay cid qorta taariikhdiisa oo ay dhamaanteen ama jiilka maanata ay nagu soo gaartay maqal waxaan Mudane Shariif u balan Qaadaynaa wax qabad kii muuqday ee uu u qabtay dalka iyo dadka in aan ku qorno khad dahab ah dhignana meel kasta ee uu ku noolayahay qof Soomaali ah.

Maaha u jeedadaydu in aan iraahdio mudane shariif kaligiis ayaa wax walba qabtay laakiin sida uu eeda badan keed u qaadan lahaa kaligii hadii uu mari lahaa wadadadii ay mareen sedexdii madaxweyne ee isaga ka horeysay ayay amaantana ugu badanaysaa xagiisa anaga oo aan moogayn in geesiyaal isugu jira Ciidan,Aqoonyahano, Wasiiro,Mudanayaal,Hooyooyin iyo Ardayba in ay godka ugu jiraan geedka maanta la hoos harsanayo ayuu hadana Madaxweyne Shariif ahaa Geesigii Calanka siday.
Shariif Wuxuu dalka  xukumay afarsano oo aan ALAAH ka baryayno in ay noqoto bilowgii dhamaadka Faqriga,Jahliga iyo Colaada. iyo bilowgii horomarka iyo nabadda Soomaaliya, wuxuuna ka dagay xilka iyada oo la jecel yahay, taas oo uu uga sharaf badan yahay madax badan oo aduunka soo xukuntay amaba ay qaar weli xukumaan, kuwaaas oo qaar ka mid ahi   xukunka hayeey  afartameeyo sano, kuna dagay xukunka ayaga oo ku hoos jira dhuumaha qashinka musqulaha ka qaada, ama kuwo iyagoo cumri ah ku jira Xabsiyo ama kuwo weli ku xukuma wadankooda cabsi iyo caloolyow, iyada oo ay taasi u dheer tahay in ay taariikhda ka galeen baal wasaqaysan caruurtoodana aysan wadooyinka nabad iyo sharafba ku  mari karin.
Mudane Shariif wuxuu doortay halkii ku haboonaynayd in uu maro taas oo inkasta oo ay sanadihii xukunkiisu ahaayeen kuwo kooban hadana  xusuus tiisa baaqi uga dhigi doonta quluubta muwaadiniinta Soomaaliyeed noloshiisa iyo kadibba.Mudane madaxweyne  Xasan Soo dhowoow, waxaad horay u ahayd wixii hada ka horeeyay adiga ayay kuu gaar ahaayeen laakiin maanata wixii aad wanaajisid waxay wax tarayaan wadanka wixii aad halaysidna waxay wax u dhimayaan wadanka, saas darteed kuma amaanayo kumana eedayo waxaanse eegaynaa sidii aad wax yeeshid waxaanan ALAAH kaaga baryaynaa in uu ku waafajiyo.

Taladayduna  waxay tahay in aad ka faa’iideysatid fursada aad haysatid waayo maanta waxaad haysataa meel aad wax ka bilowdid waxaanan rajaynayaa in afartaada sano aadan ku dhamayn dumintii wixii la dhisay laakiin aad dabaqan la dhisay  dabaq kale ku dartid oo aad nooga tagtid guri ka kooban laba dabq()  iyo in aad afarsano kadib suura gal ka dhigtid in muwaadinka Soomaaliyeed uu codkiisa ka dhiibto xaafadiisa, waxaa kaloon kugula talin lahaa in aad  Faroole ka fiirsatid.Puntland: Waxaa la gudboon in uu u baryo waa cusub waxaana la gudboon in uu ka dhoco isbedel la jaan qaadi kara siyaasadan cusub ee ka dhalatay Soomaaliya iyo in ay doortaan shaqsi u qalma in uu matalo magacooda iyo in ay ka qayb qaataan qorista taariikhda qormaysa kana raadsaaan Taariikhdaas meesha ku haboon.

Somali-land: Waxaa jirta maahmaah koofurta aad looga isticmaalo oo oranaysa( SHONGOLE MAXAA LOO DILAY)  Marka walaaleheen waqooyi waxaan ka codsanaynaa in aysan  taagnaan maxaa la inoo dilay, laakiin ay la yimaadaan xisaabtan xaqoodana ku doodaan bixiyaana waajibka dalku ku leeyahay.

Tusaale ahaan Maanta waxaa u furan in ay ku doodaaan in dastuurka lagu qoro in Ra’iisul Wasaaraha uu noqdo nin reer waqooyi ah iyo in ay u madax banaanaadaan xukunka goboladooda kuna yeeshaan dowladda dhexe miisaaniyad mucayan ah.
Ma doonayo in aan u tilmaamo arin ay iiga fara dhuuban yihiin laakiin walaaleheen waqtiga wuunagu dheeraadaye wax wanaagsan ha yiraahdeen.Ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay is cafiyaan kana fakaraan sidii ay wax ula qaybasan lahaayeen aduunka, hana iska daayeen tartanka dhexdooda ah waa in tartanku ka biloowdaa wadamada jaarka ah in aan la tartano kadibna ilaa heer caaalami iyo in aan la shaqayno shakhsigii nasiibka keenay hadii uu xumaadana in aan barito cod ku badalno laakiin aan joojino muranka,Dagaalka iyo waxyaabaha aan noo qalmin ee baryahan magaceena ku ligfaaqmay.

WQ. Abdiaziz Mohamed.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!