Malaaq ka mid ahaa duubabka dhaqanka gobolka Baay iyo xaaskiisa oo Baydhabo lagu dillay

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Baydhabo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegay in dabley hubeysan gurigiisa ku weerareen Malaaq Caliyoow Iidoow iyaga oo toogasho ku dillay malaaqa iyo xaskiisa.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan gudaha u galleen guriga uu degnaa Malaaq Iidoow, kaddib rasaasMagaalada_Baydhabo_ee_Xarunta_Gobolka_Bay huwiyeen isaga iyo xiiskiisa oo labaduba goobta ku wadda geeriyooday.

Dilalka ka dhacay Baydhabo ayaa isa soo taraya; iyadoo ay jiraan dad lagu eedeynayo dilalkan oo la qab-qabtay, kuwaasoo ku jira xabsiga degmada; inkastoo aan maxkamad lasoo taagin.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay in ay ka dambeyso dilka loo geystay malaaq Caliyoow iyo xaaskiisa, kuwaasoo qabanqaabo lagu aasayo ay ka socoto Baydhabo.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!