Malaaq Xassan Shure” waxaan taageersannahay maamulka saddexda gobol

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Baydhabo : HN :– Guddoomiyaha gullaha guurtada gobollada Baay iyo Bakool Xassan Shure oo ka mid ah oday dhaqmeedyada sidda weyn looga danbeeyo islamarkaana taageersanaa maamulka lixda gobol, ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan kaddib waxaa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya aysan jirin maamulo iska soo horjeeda, islamarkaana laga wadda shaqeyn doono dhismaha maamulka saddexda gobol.

 Malaaq Xassan Shurre ayaa sheegay in laga billaabo maanta oo Arbaco ah aysan jirin wax Khilaaf ah oo u dhaxeeyo maamullada Koonfur-galbeed ee horay looga dhisay Baydhabo, isla markaana la isku afgartay in la wad-dhiso maamulka sedexda gobal sida golaha wasiirradaBaydhabo_Kulan_Nabadeed maamulka KMG ah ee saddexda gobol iyo baarlamanka uu maamulkan yeelanayo.

Ugu dambeyn, malaaq Xasan Shurre ayaa ahaa oday-dhaqameedyadiui ka soo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo maamulkiisa , iyadoo ay si aad ah u hadal haysay xalay oo dhan heshiiskan warbaahinta ka howlgasha Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed 17-kii bishii November ee sanadkan, isagoo doorashadiisii kaddib ballan-qaaday inuu horumarin doono gobollada uu maamulkan ka talin doono oo kala ah Bakool, Shabeellada hoose iyo Bay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!