Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

by admin | Friday, Oct 3, 2014

 Jidah: HN :– Malaayiin Muslimiin ah ayaa taagan buurta Carafa iyagoo gudanaya rugni ka mid ah arkaanta Xajka. Xukaydan oo xiran dhar cad cad ayaa Eebe ka baryayaan inuu u dambi dhaafo iyadoo dharka ay xiran yihiin uu ka turjmayo in Islaamka oo dhan uu siman yahay.

Hogaamiyaal wadamo ka mid ah wadamada Islaamka ayaa ka mid ah dadka taagan saaka buurta Carafo iyagoo la mid ah dadka intiisa kale. Dadka gudanaya waajibaadka xajka ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tegey dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kumanaan Soomali ah oo wadata dhalashooyin wadamo kale ayaa sanadkan soo xajiyay. Sanadkan ayaan illaa iyo hadda aancarafo la soo sheegin dhibaatooyin soo gaaray dadka xujayda iyadoo boqortoyada Sacudi Carabiya ay dadaal xoog leh u gashay sidii loo badbaadin lahaa dadka soo xajinaya.

Dadka soo xajinaya ayaa waxaa ka mid ah dad da’ ah oo u baahan in laga kaalmeeyo sidii ay u xajin lahaayeen.Xujeyda ayaa maanta taagan Carafo,  kadibna waxey billaabi doonaan Jamaraadka ama dhagax tuurka  iyo inta ka dhiman acmaasha Xajka. Sidoo kale inta badan Muslimiinta caalamka ayaa sooman maanta.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!