Malaayiin muslimiin ah oo maanta taagay buurta carafo

by admin | Wednesday, Sep 23, 2015

Jidda : HN :– Iyadoo maanta ay tahay maalinta ugu muhiisaneyd gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa Buurta Carrafo Maanta taagan malaayiin qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala yimid dacallada Adduunka.

Subaxnimadii hore waxaa saakay u dareeray Buurta Carrafo in ka badan  saddex milyan oo qof oo ay ku jiraan XujYoumul_Carafo_Maalinta_Xajka_660ey Soomaali ah oo caalamka dacaladiisa, iyadoo maanta oo dhan ay dadkan taagnaa-nayaan cad-ceedda kulul.

Xujeyda ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidamadaha Islaamka.

Ugu dambeyn, xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka uu ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!