Maleeshiyada Xuudiga oo la wareegay madaxtooyada Sanca

by admin | Tuesday, Jan 20, 2015

Yaman : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Sanca ee dalka Yaman ayaa sheegaya in maleyshiyada xuutigu ay galeen dhismaha madaxtooyada ka dib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen ilaalada madaxtooyada.

Saraakiil u hadashay ilaalada madaxtooyada oo uu ku dhex yaalo xafiiska ugu weyn ee madaxweynaha Yemen , Cabdurab Mansuur Haadi ayaa sheegay in dhismaha ay ku wareejiyeen dagaalyahanadda Xuutiyiinta, iska hor imaad kooban ka dib.

Ciidamada dowladda, ayaa baneeyay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Sanca, xilli uu culeys xoogan ka soo fuulay dagaal-yahano u daacad ah Shiicada Yemen.

Korneyl Saleh al-Jamalani, Taliyaha Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada Yemen, ayaa wuxuu sheegay in laga fara634x433x520.jpg.pagespeed.ic.nNOykL3_PS maroojiyay Dhismaha Xarunta Madaxtooyada, ayna la wareegeen Xuuthiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Abed Rabbo, ayaa waxay wararku sheegayaa in uu ka maqnaa Qasriga Madaxtooyada, kolkii uu iska horimaadku ku dhex maraayay Ciidamada Dowladda iyo Xuuthiyiinta.

La wareegista Xuutiyiinta ee madaxtooyada ayaa ku soo beegmeysa xilli weli kooxdu ay afduub u haystaan agaasimihii xafiiska madaxweynaha, waxa kale oo ay la wareegeen dhamaanba qalabkii warbaahinta ee dawladda.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay dagaal magaalada sanca ka dhacay isniintii shalay, siddoo kalana dhaawaca ayaa la sheegay in ay intaa ka sii badan yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!