Manhaj waxbarasho cusub oo laga hirgelinayo maamul goboleedka Puntland

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Garowe; HN;- Wasiirka waxbarashada iyo tacliintanta sare ee maamul goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo meel mariyay manhajkii guud ee waxbarashada Puntland oo la dajiyay sanadkii 2011.

In  kabadan 160 ergooyin ah oo ka kala yimid gobolada maamulka Puntland ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay waxay turxaan bixin ku sameynayeen manhajkaan oo ay soo dajisay wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland oo kaashanaysay saaxiibadeeda kala shaqeeya horumarinta waxbarashada Puntland.

Cali“Waxaan idiin xaqiijinayaa in 100% la meel mariyay manhajkii waxbarashada, mana jirto cid walaac ka keentay qaab dhismeedka,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo sheegay inay ku faraxsan yihiin  sida aqoonta leh ee looga dooday manhajkaan.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ugu bishaareeyay bulshada reer Puntland gaar ahaan bahda waxbarashada inay heleen manhaj lagu kalsoon yahay oo ahaana doona mid dadkoo dhan kawada dhaxeeya.

Wuxuu sheegay wasiirku inay dhawaan guda geli doonaan daabacaada buugaagta 1-aad ilaa fasalka 12-aad oo ku qornaandoona manhajka waxbarashada maamulka Puntland, halka haatan qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada lagu dhigo manhajyo qalaad iyo kuwii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!