Maqaal: Ileyn Duul wada saboolaan aheyn. by Nuur Cilmi.

by admin | Thursday, Aug 25, 2011

Haddii aad u fahmto inaan magaca qormadan ula jeedo in Somaaliyi aad idilkeed sabool tahay, may’e, sida ku sugan xadiith Nabiga ka sugan (csw) ayaa waxa uu leeyhay; halka laga hodmaa waa qalbiga, ee maaha waxa aad heysato oo xoolo ah.

Mar haddaad la mid noqoto ka aan heysan wax uu bixiyo, waxad tahay sabool, astaahila in la caawiyo. Qofka Alle wax siiyey, sida culimada Islaamku ay sheegeen, waxa looga baahan yahay in xoolahiisa uu horta ka nooleeyo qoyskiisa iyo eheladiisa, kadibna mujtamaca uu ku dhex nool yahay kuwooda liita.

Dhinaca kale, waxa waajib ka saran yahay maalqabeenka inuu ka qeyb qaato oo horseed ka noqdo mashariicda nolosha mujtamaca hore u dhigaya iyo inuu xoolahiisa kula dagaalammo wax kasta oo xun oo mujtamaca fasahaad iyo dhib u dhac u horseeda. Adanaha waxa taariikhdiisa soo jireenka ah mar walba ka mid ahaa mushkilado ( dagaallo, abaaro, duufaanno, dhul-gariirro iyo qaar kale) oo dhamaantood halka ay ka soo butaacaan ay tahay marka uu Aadanuhu ku caasiyo Allaha koonkan iska le, iyadoo la jebinayo shuruucda uu Alle jideeyey, gaar ahaan kuwa Alle siiyey Iimaanka ee raxmadda Islaamnimadu gaartay, haddana xargaha goostay ee aan shuruucdaa ixtiraamin.

Mujtamaca Islaamka halka dunidan Alle uga asteeyey ee ay ku miirmeen ama tirada badan iyagu yihiin, waxa ku shidan daba aan damin oo dhexdooda ah ama dibadda looga keenay. Nasiibdarro iyagiiyaan waxba iska reebin oo gumaad xargha goostay oo xataa beri- ma- geeydadii aan reebin isula soo taagan, ka tabar- yareeyaana halka uu maciinsado ay tahay cadowga islaamaka, si uu kaalmo ugu helo mid walaalkiiya oy colaad khayaali ahi kala dhaxeyso.

Somaalidu waxay dagaalka ahliga ah ku saddaxeysaa Afganistaan iyo Pakistaan, oo laakin iyaga waxaoogaa kala dambeyn ah ayaaba u sii noole, innaga waxa dhowr iyo labaatan jirsaday colaad daqiiqad walba sii hureysa daqiiqad walbana tiro dada naga disha iyo tiro intaa ka badan oo nooga dhimata mushkiladda colaaddu sida cuddurrada, gaajada, kufsiga iyo qaxa aan joogsan ee meel walba oo dunida ah ku silciya caruurteenna iyo dumarkeenna.

Aafada ina haleeshay runtii maaha wax ku cusub dunida, laakin waxa innaga noo gaarahi waxa weeye, dhamaad la’aanteeda iyo xal u raadin la’aanteeda, waayoo ma heynno, iskumana mashquulinno wadiiqadii aan uga bixi laheyn, halkeedii waxan ku sii tiimbannaa sababihii keenay dhibta iyo innagoo aan weli garan halka la naga asiibay iyo xalku halka uu naga jiro. Alle aan u noqonno, inta dibadda u baxnana gacmaha kor aan u taagnno, oo Alle raxmad kabarinno.

Waxa sii libdhaya mujtamaca qeybahiisii bud- dhigga u aheyd xalka oo qaarna iyagaa leysku masquuliyey, qaarna xoola uruursi aan sabata bixinta looga qeyb gelin ayaa miir maray, qaarna waxay la hayste u yihiin shisheeye qorshe dhaqaale, siyasadeed iyo bulsho naga le, oo biyo dhaciisu yahay in la nala isir suuliyo.

Qormadan oo xaqiiqatan aan ugu talogaly inaan gaar ahaan la wadaago maalqabeenka Somaaliyeed oo runtii aan tixgelin badan u hayo, bal aan is leeyahay awooddooda dhaqaale wey uga bakhiileen inay ku badbaadiyaan qaranimada gebiga ka sii laalaada, ayaan rajo ka qabaa inay gaarto.

Maalqabeenka Somaaliyeed oo runtii qiyaasteyda isu geyn heli kara hanti badbaado u noqon laheyd qarankan, miyaanuu la mid noqoneyn ka saboolka ahee aan afka iyo gacanta isla gaarin, mar haddii maanta uu daawanaayo ummadddiinnu silica ay ku jirto, caalmka oo dhamina uu raalli ka noqday.

Miyeydaan ka saboolka la mid noqoneyn marka aad eegato iyadoo la naloo yeeriyo masiirkeenna oo weliba ay noo yeeriyaan kuwa beri  kaalmadeenna ku xoroobay. Meydaan sabool noqoneyn marka aad daawato dadkaagii, dalkaagii iyo hantidaadii oo shisheeye kala boobayo. Miyaaney ku damqin hooyada iyo dhallaanka feeruhu dibadda soo baxeen, indhuhuna ku libdheen, gaajo darteed ee daadsan xuduudaha ee haddana kufsigu u dheer yahay.

Miyaaney dhiigga kugu kicin dhallinta badda maciinsatay oo ka cararaya dilka iyo gaajada iyo kuwa boqolaalka kun dhaafay ee ka buuxa xabsiyada shisheeya.

Miyaanad u jiir nixin hooyada ilmada dhameysay ee ku kaliyooday korrinta caruurta qurba joogga ah ee le, yaa mar uun dalkii ii hagaajiya. Miyaanad ka fekerin xoolaha aad ku maalgeliso qurbaha ee laga yaabo inay si fudfud kaaga wareejiyaan, cid kaaga maciintana aad weydo. Ma waxad doorbiday adoo dal le, dhibta heysatana ka dabaalin kara Alle idinkii, inaad qaxooti ahaataan adiga iyo ubadkaaguba oy ku dhex milmaan shisheeye aaney waxba wadaagin. Miyaanad marna ciil awgii bushimaha cunin oo ayaan kuu muuqan hoggaan xumida dadkaagii heysata.

Walaal, waxa lagugu dhaliilaa inaad kheyraadka dalka adoon u aaba yeelin  dhoofiso, xaalufka iyo dabar go’ana qeybta ugu weyn aad yeelato. Cuntada/ daawada inaadan u kala eegin mid gabowday iyo mid waxtar le, saasna aad cimri deg degga shacabkaaga liita ugu soo kordhiso. Hantida dadka saboolka u badani ay dhidid badan kula soo baxaan adaa u kala dira, shirkadana ku abaabula hantidaa qaarkeed, kadib marka aad faa’iido badan u ballan qaaddo, dhowr sano kadibna sharikadahaas hanti badan oo ummadeed aylunsadaan, cidna aaney kuu raacan, la yaabkeedee, welina laguma arag adoo samofal lagu diirsado abaabula.

Walaal, dhaliisha ta ugu daran ee lagu huwiyo, runtiina ugu naxdinta badan, waxay tahay adoo aan rabin baa la leeyahy in Dowlad Somaaliyeed ee nidaam keentaa ayan dhalan. Ma hubo in dhaliilahani wada jiraan, anna ma rabo inaan aamino, waayoo waxan ogahay inaad wax badan oo fiican sameysay, qaar kalana aad soo waddo, laakin haddiyada ugu qiimaha badan ee aan kaa sugeynno, waa tu kaliye, iyadaana xal u ah dhibta jirta oo dhan, Allana waxan aad uga baryayaa inuu ku waafajiyo. Waa dowladnimadii oo aad u howl gasho, ushana u qabato.
Waxan talo ka dhiibanaya wadiiqo aan is leeyahay armey noo sahashaa xalka.

Kow: Is doonta (haddaad maalqabeenno tihiin), shir guudna iclaamiya, kuna bilaaba xubno koobanoo aad is leedihiin arrinka waa ay u dhega-nugul yihiin, waddaniyad iyo Alle cabsina waa ay leeyihiin. Ku barxa tiro yar oo cuqaal-aqoonyahanno ah, saafina ka ah wax kasta oo dib u jiiday in dowlad kala dambeyn keenta la helo, 20kii sano ee naga gudbay.

Laba: Doodda kulanka: Badbaado Qaran, kadibna qabta guddi isku dhafa oo gooya dhaqaalahii badbaada Qaran (inta loo baahan yahay) iyo uruurinteeda.

Saddax: Dhaqaale uruurinta lagu koobi mayo maalqabeenka ee dhaqaalaha waxa la saarayaa Somaali kasta ee 18 jirsaday meel kasta oo uu ka joogo caalmaka iyo dalka, iyadoo loo kala saarayo kolba dakhliga soo kala gala:
. Maalqabeenka weyn, ka dhexe iyo hoose
. Shaqaalaha iyo ardada

Afar: Marka la helo dhaqaalahii la gooyey, ayaa isla guddigan oo laga reebay inay la haadaan hami siyaasadeed, waxa uu baadi goobayaa, xubno 25 qofooda( ka reeban hami siyaasadeed) oo lagu soo xulo isla shuruudahii gudiga kore oo aqoonyahanno caqli u saaxiiba ah, iskuna soo duwa dastuur haga dowladnimada oo mujtamaceenna sal looga dhigo, asteynayana ashkhaas hoggaameed oo ugu dambeynta xilka qaranka gacanta loo geliyo, dushana looga ilaaliyo.

Shan: Iyadoo lagu xisaabtamayo awoodaha shisheeye ee ka faa’ideystay burburkeenna, awooddii dowladnimana hadda maamula, waxan muhiim ah inaan ku dhex shaqeynno nidaam ku sheegga hadda jira, annagoo tartiib tartiib u buuxineyna hey’adaha dastuuriga ah oo ay ugu horreeyaan xubnaha golaha shacabku.

Lix: Dowladda habkan ku soo dhisanta waxa lagu maamulayaa dhaqaalaha la uruuriyey, si looga badbaado fargelin toosa oo baahi dhaqale ay keento.

Toddoba: Gudiga qodobka labaad ayaa noqonaya mid kor ka ilaaliya xukuumadda ku timaada habkan, awoodna ku yeelanaya golaha shacabka dhexdiisa, si uu u beddeli karo cidda aan ku socon hab maamuleedka guddigu dejiyey, si dalku hoggaan fiican oo badbaadiya uu helo.

Ma filayo inay howl fudud tahay, hayeeshe, jitaankeenna ayaa ku xiran, raggii Somaali bixin jiray waqtiga xunna la nagama dhex waayin, gaar ahaan maalqabeennada oo aan ogahay in laga helayo rag iyo dumar halyeeyo ah, oo howshan abaabuli kara, kana miro dhalin kara, waanan huba in Alle idinka abaal marinayo.

Maalqabeenow ha noqon ninkii caruurtiisii oo gaajo la ooyeysa, caanaha uga soo lisi waayey xoolo ku xareysan xerada ee is duuduubay, qabow iyo roob uu ka baqanayo awgeed.

Qormadii:Nur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!