Maqaayad ku taala Nairobi oo loo diiday dadka Afrikaanka 5-galabnimo kadib

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Nairobi: HN:- Maqaayad Chinese ah oo ku taala magaalada Nairobi ayaa ka mamnuucday dadka Afrikaanka ah inay soo galaan maqaayadaas wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo, iyadoo arrintan ay noqotay mid dad badan oo Afrikaan ah ka careysiisay.

Esther Zhao oo iyana wax ka leh maqaayaddaas ayaa u sheegay warbaahinta in go’aankoodan uu yahay mid ay ku sugayeen amniga goobtooda ganacsiga, ayna ku gaareen go’aan in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo, iyadoo warkeeda ku dartay ma kala garanayno dadka Afrikaanka ah, waayo ma garanaysid midka kooxda Al-shabaab ka tirsan iyo midka aan ka tirsanayn. Esther Zhao ayaa sidoo kale tiri cabsi badan ayaa na heysa in maqaayada la dhaco, maadaama  sanadkii hore la dhacay maqaayadda, sidaas darteedna aanay kala garan karin wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo dadka maqaayada ka cunteynaya iyo kuwa dhaca geysanaya..

Waxaa gebi ahaanba albaabada leeyskugu dhuftay maqaayadaas, waxaana la filayaa in Khamiista soo socota la soo taago Maxkamad, si loogu qaado dacwad la xiriirta in si sharci darro ah maqaayadiisa uga furneyd Kenya.

Qaar ka mid ah shaqaalaha maqaayaddan ayaa sheegay in qorshahan loogu sheegay inuu yahay mid ammaanka lagu adkeynayo, sidaa daraadeedna wixii ka dambeeya xilliga maq-ribkii ah aanay soo gelin maqaayadda dadka Afrikaanka ah, balse waxaa loo ogolaa oo keliya laba ka mid ah macaamiisha.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!