Maraakiib ay laheyd dowladda Soomaaliya oo laga saaray dekeda Cadan

by admin | Sunday, Oct 19, 2014

Cadan : HN :–Wararka ka soo baxaya dalka Yaman ayaa sheegaya in maraakiibtii ay laheyd dowladii hore ee Soomaaliya laga saaray dekeda magaalada Cadan oo ay u sugnaayeen sanadihii ugu danbeeyay.

Labada Kabtan ee kala ah C/qadir Gabane iyo Axmed C/samad oo ka mid ahaa kabtanadii wadi jiray maraakiibtan ayaa xaqiijiyey in maraakiibtaas oo afar ahaa laga saaray dekeda magaalada Cadan.

“Waxaa loo jiiday afartoodaba dhinaca badweynta sababta rasmiga ahna ma garaneyno hase ahaatee waxaa nagu maqaalo ah in maraakiibtaas iskaraab ahaan looga iibiyey shirkad laga leeyahay dalka Pakistan” ayuu yiri Kabtan C/qaadir Gabane oo dayniile.com la620x413xdekada_muqdisho.jpg.pagespeed.ic.dPauEK7dcw hadlay.

Sidoo kale, waxay sheegeen afarta markab ee Somalia ay laheyd uu iibsaday ganacsade reer Yemen ah oo magaciisa la yiraahdo Axmed Al-Mansuuq kaasoo maxkamad ku taala Cadan ay u xukuntay inuu la wareego uu lacag malaayiin Dollar ah ku yeeshay shirkadii SHIFCO ee maraakiibtaas gacanta ku heysay, taasoo uu madax u ahaa Ing. Munye.

Labada kabtan ayaa ka codsaday dowlada Somalia iney arintan deg deg wax uga qabato ayna dib u soo celiso maraakiibtaas oo ay sheegeen iney qiimo weyn ugu fadhiyaan Somalia, ayna yihiin hanta uu leeyahay Qaranka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!