Mareykanka iyo midowga Yurub oo ka soo horjeestay shirka Jowhar

by wadani | Monday, Oct 10, 2016

Nairobi : HN :-Wararka ka soo baxaya safaarada Mareykanka ayaa sheegaya in xukuumada Washington aysan ku qanacsanayn malmulka loo dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dawladu Mareykanka ay ku talisay in maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh. Dhexe dib loo dhigo ilaa doorashada federaalka ay dhammaato, lana tixgaliyo rabitaanka labada shacbi ee ku nool labada gobol ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale arrintaan ku wargalisya dowladda Xasan Sheikh Maxamuud.

Safiirka dowladda Mareynka u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz ee uu deegaankiisu yahay magaalada Nairobi ayaa dhawaan ka soo laabtay safar uu tagay dalka Soomaaliya. Safiirka ayaa wuxuu kulamo la qaatay dhawr musharax oo u taagan jagada madaxweyninimada Soomaaliya oo la filayo in la qabto 30ka bish November ee sannadkan.

Maamul u sameynta goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe ayaa ka socda magaalada Jowhar, ayada oo la dhaariyey xildhibaanadii soo dooran lahaa madaxweynaha maamulkaas uu yeelandoon.

Siddoo kale, waxaa ay wararku intaa ku darrayaan in wakiilada iyo safiirada midowga Yurub ee Soomaaliya siddan oo kale u jeediyeen madaxweynaha dowladda Soomaaliya in ay la joojiyo shirka Jowhar.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!