Mareykanka: kama qeybgaleyno shirka arrimaha Soomaaliya ee Copenhagen

by Yahye | Tuesday, Nov 11, 2014

Washington: HN:- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inaanay wafdi u dirayn shirka ku saabsan arrimaha Soomaaliya ee toddobaadka dambe lagu wado inuu ka dhaco magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark, kaas oo looga diiradda lagu saarayo waxyaabaha ka qabsoomay Barnaamijka New Deal.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay inuusan Mareykanka faa’iido u lahayn ka qeyb-galka shirka, maadaama madaxda Soomaalida ay ku lug leeyihiin khilaaf siyaasadeed oo waxyeelleyn kara horumarka ka jira dalka.

Mareykanka ayaa sheegay  inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafka u dhaxeeye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh, balse wuxuu ka hor yimid mooshinka ay wadaan qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka ee la doonayo in codka kalsoonida lagala noqdo raysul wasaaraha.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka gudbaan muranka ku dhisan khilaafka siyaasadda, kaas oo wiiqi kara dadaallada socda ee lagu xasillinayo dalka.

Mareykanka ayaa caddeeyay in uu ku dheggan yahay mowqifka ah Barnaamijka New Deal, kaas oo la doonayo in dalka looga hirgeliyo xornimo, dimuqraadiyad iyo midnimo ku dhisan nidaamka federaalka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!