Mareykanka oo beeniyay in askari looga dilay gudaha Soomaaliya

by wadani | Wednesday, Nov 23, 2016

Nairobi : HN :-Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay  Al-Shabaab sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo iska horimaad dhexmaraya Dagaalameyaasha Al-shabaab iyo ciidamada Kenya iyo Kuwa Maraykanka oo isla socday.

AFRICOM ayaa sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin oo laga yaqyaqsoodo.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay inuu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya.

AFRICOM ayaa sheegtay in askarigaasi uusan ku dhimanin dagaal.

Warar laga helayo warbahainta Maraykanka ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka hawlgeli jiray saldhig ku yaalla Gobolka Xeebta ee LAMU ay u badan tahay inuu isagu naftiisa waxyeelay.

Ugu danbeyntii, Maraykanka ayaa la-taliyayaal dhinaca milatariga ah iyo tababarayaal ay ka joogaan Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!