Mareykanka oo duqeyn kale ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

by wadani | Wednesday, Nov 15, 2017

Wanlaweyn : HN :-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay maqribkii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones loo yaqaano ay duqeyn ka geysatay meel u dhaxeysa Leego iyo Wanlaweyn.

Duqeynta ayaa ka dhacday tuulo u dhow deegaanka Yaaqbariweyn, waxaana la beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa qeyb ka aheyd duqeymo taxane ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe oo ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa bar koontarool ku yaala deegaanka Iidow Jalaad oo ku dhow Yaaqbari weyne

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa todobaadkan war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ogolaansho ka heysta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!