Mareykanka oo ka dalbaday dowladda Jabuuti in la sii daayo hogaamiyayaasha mucaaradka

by wadani | Thursday, Dec 24, 2015

Washington  : HN :–Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay rabshado dhawaan  ka dhacay dalka Jabuuti, sida lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda,waxaana lugu cambaareeyay rabshadihii maalmo ka hor dhacay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Marekanka,John Kirby ayaa war-saxaafdeedka ku sheegay inay ugu baaqayan xukuumadda Jabuuti si dhaqso ah in loo sii-daayo xubnaha mucaaradka ee la xirey.

Waxaa kalo uu afhayeenku tacsi u diray ehalladii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey weeraradii iyo60855D22-2B5A-4B1D-A118-B4A18D0E1F44_w640_r1_s rabshadihii hareeyay caasimadda Jabuuti maalmo ka hor.

War-saxaafadeedka aya loogu baaqay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xaquuqdahadalka ee shacabka Jabuuti iyo golaha iyo ururada nabdeed.

“Waxaan ugu yeereynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabdeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Mareykanka.

Dhinaca kale,dad ka caraysan dadkii dhawaan ku dhintay rabshadihii ka dhacay dalka Jabuuti , ayaa isugu soo baxay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Dadkan ayaa ku hor banaan baxay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels,iyagoo marka adegsanayay inay ka xun-yihiin waxii ka dhacay caasimada dalkooda iyo dhib ay sheegeen shacabka in loo geystay.

“Waxaan halkan isago soo baxnay,si an u muujino dhibaatadda soo gaartay dadka Jabuuti,waxaana ay dadku caddeeyen inaysan ogaleyn dhibka iyo sida ay wax u dhaceen,”ayuu yiri Axmed Rayaale oo ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo ka mid ahaa dadkii dibedbaxan wax ka abaabulay.

Rabshadaha ka dhacay dalka Jabuuti ayaa ka billowday,markii munaasabad lugu xusayay waqtigii uu dhashay nabigeena Maxamed ay ciidamadu weerarren,iyagoo sheegaya mucaaradku inuu soo abaabulay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!