Mareykanka oo ka dalbaday ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid xukuumad tayo leh

by admin | Thursday, Dec 25, 2014

Washington : HN :– Xukuumada Washington ayaa soo dhaweysay ansixinta raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, waxayna rajo ka muujisay in uu raysul wasaaraha si dhaqso ah ku soo dhisi doono gole-wasiirro oo tayo leh.

War  uu soo saaray afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, Jen Psaki ayaa lagu sheegay in uu Mareykanka ku boorrinayo madaxweynaha, raysul wasaaraha cusub iyo golaha wasiirrada ee la soo dhisi doono in ay ka shaqeeyaan muhiimadda horumarka ummadda, dib-u-eegista dastuurka, diyaarinta doorashooyinka, horumarinta ciidamada milateriga iyo booliska iyo dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si ay uga shaqeeyaanCumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke xasilinta iyo dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta iskaashiga muhiimka ah ee Mareykanka kala dhexeeya Soomaaliya.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!