Mareykanka oo ka hadlay mowqifkiisa shirkii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

by wadani | Friday, Dec 18, 2015

Washington : HN :-Iyadoo maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu soo gabageeyay shirkii madasha-wadda-tashiga iyo hanaanka doorashada 2016k, lagu waddo in ay Soomaaliya ka dhacdo ayeey dowladda Mareykanka cadeysa mowqifkeeda ku aadan shirka iyo war-murtiyeedka laga soo saaray.

War ka soo baxay wasaarrada arrimaha dibada xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka soo dhaweyneyso shirka iyo qobadii ka soo baxay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay bogaadineyso dadaallada dowladda federaalka ugu jirto siddii mowqif USA-Flagmideysan looga qaadan lahaa hanaanka doorasho ee sanadka 2016ka, waxaana warku intaa ku darrayaan in xukuumada Washington bar bar taagan tahay qorshayaasha dowladda dhexe ee la doonayo in isbadal looga sameeyo dalka Soomaaliya.

Siddoo kale, warka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku faraxsan tahay sidda Soomaalida dhaxdeeda u wadda hadllayaan ugana gudbayaan hadba wixii khilaaf ah ee soo kala dhax-gallay, gaar ahaan sidda dowladda dhexe mariiba xal uga gaartay is-mari-waagii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay dowlad gobolleedyada.

Warka ka soo baxay  wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Washington ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ka rajeyneyso shirka 10 bisha Janaayo ka dhacaya magaaladda Kismaayo in lagu gaari doonno hanaan doorasho oo leysku wadda raacsan yahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!