Mareykanka oo ku hanjabay in uu jiri doono kaalmada uu siiyo Soomaaliya

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Nairobi : HN :– Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa dhowaan ku hanjabay in Mareykanka uu ka jaranayo Soomaaliya dhaqaalaha uu siiyo ilaa ay wada shaqeyn dhex mareyso Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha.

Amb. James P. McAnulty oo todobaadkii hore booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar uu la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku guuldareystay inuu xalin waayo, kadib markii Madaxweynaha uu ku adkeystay in aanay wada shaqeyn karin isaga iyo Ra’iisul Wasaaaha.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan magaciisa sheegin, isagoo aan fasax u qabin inuu hadlo ayaa sheegay inay jirto hanjabaadaas ah in Mareykanka uu jaranayo taageerada dhaqaale ee dhinaca Milateriga ah.

Kalsoonida Beesha Caalamka ay ka qabeen dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa luntay, iyadoo Mareykanka uu ku goodinayo in uuUsa_flag-2 jaranayo taageerada milateri iyo dhaqaale uu ku taageero Soomaaliya sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey oo isaguna aan loo ogolin inuu warbaahinta la hadlo.

Safaarada Mareykanka ayaa arrintan ka gaabsaday inay ka hadasho hanjabaadan ah in Mareykanka uu ka jaranayo gar-gaarka uu siiyo Soomaaliya.

Hase ahaatee Wanshington ayaa warbixin ay todobaadkan soo saartay waxay walaac xoogan kaga muujisay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo wararka sheegaya in Baarlamaanka uu qorsheynayo in mooshin kalsooni kala noqosho uu u codeeyo, taasoo ah mid aan dan u ahen maslaxada shacabka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhowaan sheegtay in aanay wafdi u direyn shirka caalamiga ee looga hadlayo Soomaaliya, kaasoo todobaadkan ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

EJ Hogendoorn, oo ah khabiir Qaarada Africa ka soo jeeda oo ka tirsan Gudiga Musiibooyinka Caalamka  ayaa yiri “haddii aad dooneyso in aad taageero ka hesho Mareykanka,waa in aad dhibaatooyinka noocaasi ah aad iska joojisaa, isaga oo ula jeeday khilaafka Madaxda dowladda iyo heerka uu gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku adkeystay in aanay wax wada shaqeyn ah dhex mari karin isaga iyo Ra’iisul Wasaare C/wali, kadib markii dadaalo beesha Caalamka wadeen uu ka dhega adeegay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro khilaafka Madaxweynaha, iyadoo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo ay doodiisa laga yaabo inay ka dhalayo muran iyo jahwareer siyaasadeed oo hor leh.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!