Mareykanka oo muwaadiniinitiisa uga digay in ay u safraan dalka Jabuuti

by admin | Wednesday, Nov 26, 2014

Washington : HN :–Wasaarrada arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta dalkaas looga digayo in ay u safraan dalka Jabuuti sababo la xiriira khatar argagixiso oo uga iman karta.

Digniintan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay suura galnimada weeraro argagixiso inay ka dhacaan dalka Jabuuti, inkastoo aanay dowladda Jabuuti si rasmi uga hadlin.

Mareykanka ayaa horay u soo saaray digniino uu u jeedinayay muwaadiniintiisa inay u safraan dalal ku yaal qaarada Africa, cabsi laga qabo inay beegsadaan kooxaha Islaamiyiinta.

Ciidamo ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya, iyadoo horay digniin uga sooUsa_flag-2 baxday Al-Shabaab oo ahaa inay weerarayaan dalka Jabuuti.

Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh Jabuuti, waana halka ay ka soo duulaan diyaaradaha Drone ee aan duuliyaha laheyn ee weerarada duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Bishii May ayay aheyd markii weerar is qarxin ah oo ay fuliyeen labo ruux oo ahaa nin iyo xaaskiisa ay ka dhaceen maqaaxi caan ah oo ku taal Jabuuti, iyadoo weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!