Mareykanka oo muwadiintiisa uga digay khatar uga iman karta u safrida Soomaaliya

by admin | Friday, Oct 2, 2015

Washington : HN :– Xukuumada Washigton ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah, Mareykankuna uusan safaarad ku lahayn.

Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiintiin Mareykanka aysan u safri karin Mareykanka_Calan_Calaamka_660Soomaaliya haddii kale aysan heli doonin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aysan jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca safarrada.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhinaca kale, waaxda arrimaha dibadda Marekanka ayaa ku boorisay maraakiibta caalamiga ah in aysan ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!