Mareykanka oo qeyb ka noqonaya howlgal lugta ee lagula dagaallamayo Al-shabaab

by wadani | Tuesday, Nov 22, 2016

Muqdisho : HN :-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalkeeda Somaliya ee tababarka Ciidanka Dowladda iyo la talinta la ballaariyay hadda islamarkaana Ciidanka Mareykanka ay ku lug yeelanayaan goobaha dagaallada tooska ah ay ka socdaan.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom,Jen. Thomas Waldhauser,ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee jooga Somaliya ay qatarta ku korodhay sidaa darteedna loo baahday in ay faraha la galaan goobaha dagaallada ay ka dhacayaan.

“Marka aad dooneyso in aad badesho wajiga hore ee tababarka Ciidamada iyo la talinta waxaad wajaheysaa Qatar nafta ah,waxaana fahamsannahay in uu jiro weerarro xirfad sare leh oo ay fulinayaan Al-Shabaab,sidaas darteed waxaan dareemeynaa Qatar dhanka amniga ah waxaana u baahannahay in aan wax ka beddelno
Howlgalkeenna.”Ayuu yiri Thomas oo ku sugan Magaalada Stuttgart ee Dalka Germany oo ah xarunta ugu weyn ee ay leeyihiin Ciidanka AFRICOM.

Mareykanka ayuu sheegay in Ciidankiisa lugta uu kala baxay Somaliya 1993-kii kadib markii dagaal dhexmaray Ciidankiisa iyo Hoggaamiye ka mid ahaa Jabhadihii la dagaallamay Dowladdii Milatariga Ciidanka Mareykanka laga dilay 18 Askari,markaas kadibna uu Mareykanka go’aansaday in uusan howlgal lugta ah ka sameyn Somaliya.

Sanadkan 2016-ka ayuu sheegay in Ciidanka Mareykanka ee jooga Somaliya ay fuliyeen 14 Weerar oo Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay hoggaamiyayaasha Al-shabaab iyo goobaha ay ku tababartaan,waxaana uu intaa ku daray in wali Al-shabaab ay qaadayaan weerarro qorsheysan.

200-300 oo Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayuu sheegay in ay hadda joogaan Somaliya Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom-na ka caawiyaan la talinta amaanka,waxaase uu sheegay in meelaha qaar Ciidanka Mareykanka ay ku lugyeeshaan dagaallada dhulka ah si ay u dhimaan qatarta dhanka amniga ah ee lataliyayaashooda ay wajahayaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!