Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dilleen sarkaal ka tirsan Al-shabaab

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Washington : HN :–Wasaaradda gaashaandhigga waddanka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiysay inay duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen sarkaal sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay xalay in weerarkaas oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Isniintii ay ku dileen Cabdishakuur Tahliil oo ay sheegeen inuu ahaa mas’uulka u qaabilsan Al-shabaab dhinaca sirdoonka.

“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa gantaallo culus la beegsaday gaari ay saarnaayeen Tahliil iyoUS-DeptOfJustice-Seal.svg_-300x300 xubno kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo marayay meel ku dhow degmada Saakow habeenkii Isniinta halkaas ayaana lagu dilay iyo laba sarkaal oo kale,” ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray Pentagon-ka.

War-saxaafadeedka Pentagon-ka ayaa sidoo kale lagu yiri. “Dhimashada Tahliil waxay ku noqonaysaa Al-shabaab dhabarjab weyn, maadaama uu ahaa sakaalka dhinaca sirdoonka u qaablisanaa.”

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tani ay guul u tahay dowladda Somalia, shacabka Soomaaliyeed iyo xulufadooda. Waxaa kaloo Pentagon-ka uu xusay in ay guul labaad u tahay danaha Mareykanka uu ka leeyahay gobolka.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in C/shakuur Tahliil uu ahaa mas’uulkii lagu bedelay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay Sabtidii lasoo dhaafay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!