Mareykanka oo sheegay in diyaaradaha dron’ska uu ka iibinayo dalalka ay saaxiibka yihiin

by admin | Wednesday, Feb 18, 2015

USA : HN :–Xukuumada Washington ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones ay ka iibineyso dalal saaxib dhow la ah, kuwaasoo ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in ujeedada diyaaradaha Drones loo iibiyo ay tahay sidii loo wiiqi lahaa kooxaha argagixisada, sida Al-Qaacida, ISIS, Al-Shabaab Soomaaliya iyo Boko Haram.

Mareykanka ayaa doonaya in si gaar ah in dalalka Suuriya iyo Soomaaliya diyaaradahan Drones-ka loogu adeegsado, si loola dagaalamodrone-280x175 kooxaha Al-Shabaab, Al-Nusra iyo ISIS.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sababaha diyaaradaha Drones-ka loo iibinayo ay tahay, kadib markii uu arkay in Tartan uu kala kulmayo dhinaca Suuqa, gaar ahaan dalalka China iyo Israel oo bilaabay inay iibiyaan diyaaradaha Drones-ka.

Machad falanqeeya arrimaha argagixisada ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee Mareykanka haatan u qaaayo tallaabadan ay tahay sidii dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, Afganistaan iyo Libiya la doonayo in diyaaradahan loo isticmaalo.

Qiimaha la iibiyo diyaaradaha Drone ayaa lagu qiyaasay ilaa 5.2 Billion, waxaana suura gal ah in sanadaha soo socda ay sare u kacdo oo ay gaarto lacag gaareysa 11.6 Million.

Mareykanka ayaa weeraro cirka uu ka fuliyay Soomaaliya waxaa uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!