Mareykanka oo sheegay in uu soo celinayo howl-galkii siyaasada Soomaaliya

by admin | Tuesday, Sep 8, 2015

Washington : HN :–Wasaraadda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u billowday howlgalkii  Siyaasadeed ee Soomaaliya, kaasoo ay sheeegtay inuu yahay mid lagu Xoojiyo Xiriirkii uu Mareykanku la leeyahay Soomaaliya.

Wasaarrada arrimaha dibada Mareykanka ayaa war-saxaafeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu sawir ka bixinayo sii wadida dadaallada dowladda Mareykanka ay Dib ugu soo Celinayso Xiriirkii kala Dhexeeyay Somalia Tan iyo markii ay Aqoonsatay Dowladda Federaalka Somalia, 17-kii Jannaayo, 2013-kii.

Xafiiska Howlgalka Siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Waxaa Saldhig u noqon doona Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, 201555635664178043692459Booqashadii_Kerry_ee_Muqdisho (5)Waxaana madax u noqonaya mas’uul howshiisu tahay Arrimo Fuliye oo keliya, inta Madaxweyne Obama uu ka Magacaabayo Safiirka sida rasmi ah Mareykanka ugu joogi doona Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa dib u Billaabashada Howl-galkeeda Somalia ku sheegtay inay tahay tallaabo loo qaaday dib u dhisidda Joogitaankii Mareykanka ee Soomaaliya, sida uu 05-tii May ee Sannadkan ku dhawaaqay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry oo ku tagay Muqdisho booqasho Taariikhi ah.

“Waxay Saraakiisha Mareykanku sii Wadi doonaan Booqashooyinka ay Somalia ku Tegi doonaan si ay howshan billowga ah ay u xoojin lahaayeen, haddii ay Xalaadda Ammaan u saamaxdo,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Ugu dambeyn, Dublamaasiyiinta Mareykanka ayaan Soomaaliya si Rasmi ah uga Howl-gelin wixii ka Dambeeyay Dagaalladii Ciidamadoodu ay ku galeen Muqdisho Sannadkii 1993-kii, markaasoo Mareykanka ay ciidammo rajo soo celin ah kaga sugnaayeen Somalai.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!