Mareykanka oo sheegay in uu soo dhaweynayo qabashada Baraawe

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Muqdisho : HN :– Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya P. McAnulty ayaa hambalyo u diray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM guulihii u dambeeyay ee ay ka gaareen howl galka Badweynta Hindiya.

James P. McAnulty ayaa soo dhoweeyay la wareegitaankii degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xooganayeen Al-Shabaab.

“Waxaa soo dhaewyneynaa xoreynta ciidammada dowladda iyo AMISOM ee degmoyinka Cadalle iyo Baraawe oo ah deegaanno ku yaallaUnited-States-Representative-for-Somalia-SRS-James-P.-McAnulty xeebta islamarkaana muhiim,” ayuu yiri danjirayaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Mareykanka uu sii wadayo taageerada uu siinayoyo dowladda Soomaaliya, si loo bur buriyo awooda Al-shabaab.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in culeysyada milateri ee Al-Shabaab ugaga furan aagag badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya uu tusaale u yahay in deegaano badan oo muhiim ahaa inay si fudud u lumiyeen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!