Mareykanka oo sheegay in uu Soomaaliya ku dilay 40 dagaalyahan

by wadani | Tuesday, Nov 14, 2017

Muqdisho : HN :-Militariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo isxigxigay oo oo ay ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkii tagay ay ku dileen ilaa iyo 40 ka mid ah mintidiintii ay beegsadeen.

Afahayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo xarunta Pentagon-ka kula hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in shan duqeyn oo intii u dhaxeysay 9-kii ilaa iyo 12-kii bishan ay ku dileen 36 ka tiran maleeshiyada Al-Shabaab iyo 4 ka tirsan maleshiyada Daacish.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!