Mareykanka oo soo dhaweeyay gollaha wasiirrada cusub

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa maanta soo dhaweeyay Golaha Wasiirrada ee Talaadadii uu ku dhawaaqay R/wasaaraha Soomaaliya, mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

War-saxaafadeed ka soo baxay qeybta arrimaha Soomaaliya ee safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Nairobi ayaa lagu sheegay in ayJames-P.-McAnulty-251x300 dowladda Mareykanka amaan u jeedineyso dhamaan dadkii ka qeyb qaatay xallinta khilaafaadkii hareeyay soo xulista iyo magacaabista wasiirrada.

Mareykanka wuxuu xusay maadaama uu yahay saaxiibka Soomaaliya inuu u rajeynayo Soomaalida inay ka gudubto qalalaasaha daba dheeraaday ee dhinaca siyaasadda, oo dib loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hiigsiga sanadka 2016.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayna sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro nabadgelyo buuxda, xasillooni iyo barwaaqo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!