Mareykanka oo tababaraya ciidammo Uganda ka socda oo loo soo dirrayo Soomaaliya

by admin | Sunday, Aug 23, 2015

Kampala : HN :–Saraakiil tababarayaal Mareykanka ah ayaa u soo xiray tababar ciidammo badan oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo la qorsheynayo in lagu badalo ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.363

Ciidamadan waxaa la sheegay in la baray sida ay ula dagaallami lahaayeen cadowga ay badali doonaan ciidamo Ugandes ah oo ka mid ah howlgalka AMISOM,sida lugu baahiyay bog internet oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Uganda.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada dowlada Uganda la baray sida wax loo shiiso ayna dhameysteen tababarka la siinayay ciidamadaasi.

Guuto Muhoozi Kainerugaba, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi tababarka loosoo xiray ay badal u noqon doonaan ciidamada dowladda Uganda kaga sugan Soomaaliya.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo kamid ah AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo dalka soo gaaray sanadkii 2007.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!