Mareykanka oo walaac ka muujinaya khilaafka madaxda sare ee dowladda federaalka

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

Washington : HN :–Xukuumada Washington ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, kadib qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka oo looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Mareykanka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Wasaaradaas Jen Psaki ayaa lagu sheegay in talaabada lagu doonayo in mooshin lagu horgeeyo baarlamaanka Somalia, si codka kalsoonida loogala laabto Ra’iisul Wasaaraha ay tahay mid aan u adeegayn maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu dhex dhexaad ka yahay muranka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo qoraalka lagu sheegay in Maraykanku uu ku dhaggan yahay mabaadi’da Hiigsiga Cusub, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhiso Soomaali xor ah, amni ah, dimoqraadi ah, mideysan, isla markaana Federal ah.

Sidoo kale qoraalka dowladda Maryakanku ay soo saartay ayaa lagu sheegay in hogaanka Soomaaliya oo siyaasad ahaan ku kala qeybsanUSA Flag darteed, uuna Maraykanku arkeynin faa’iidada inuu wafdi u diro shirka Soomaaliya ku saabsan ee toddobaadkan soo socda ka dhacaya magaalada Copenhagen, si dib loogu eego waxyaabihii qabsoomay, arrintaas oo qeyb ka ah Hiigsiga Cusub.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraykanku uu garab taagan yahay bulshada caalamka sidii dowladda federalka loogu boorin lahaa inay si buuxda u dhaqan galiso aragtida qorshaha 2016ka, isla markaana ay ka weynaato khilaafka siyaasadeed, kaas oo ka jeedin kara howshii muhiimka ahayd ee ahayd in ay dalka ku mideyso hanaanka Federalka.

Hadalkan ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan ay Muqdisho booqasho ku yimaadeen wafdi uu hogaaminayay Safiirka Mareykanka, iyadoo kulamo uu la yeeshay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la doonayay in xal looga gaaro khilaafka uu natiijo la’aan ku dhamaaday, kadib markii uu Madaxweynaha ku adkeystay in aanay wax wada shaqeyn dhex mari karin isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!