Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyntii diyaaradahooda ay ka fuliyeen Gaalkacyo

by wadani | Friday, Nov 11, 2016

Gaalkacyo : HN :-Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan dheer kaddib ogaatay in weerarkii bishii September ee sanadkan diyaaradahooda ka fuliyeen dulleedka magaalada Gaalkacyo in aan lagu beegsan Al-shabaab.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in baaritaan horu dhac ah oo la sameeyay ay tahay in weerarkaas aan haba yaraatee lagu bartilmaameedsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in howl gal ay hoggaaminayeen Puntland looga dalbaday in weerar dhinaca cirka ah looga caawiyo, taasoo keentay fariintii qaldaneyd ee ay gudbiyeen Puntland lagu laayo Ciidamo ka tirsan Galmudug.

Baaritaano bilowday 4-tii bishii October ayay Saraakiil ka tirsan Mareykanka ku ogaadeen in weerarkii September aan lagu beegsan xubno ka tirsan Al-Shabaab, hase ahaatee ciidamada la laayay ay ahaayeen kuwo deegaanka oo ka soo jeeda Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan baaritaanada horu dhaca ee ay soo bandhigeen Ciidamada Mareykanka, isagoo xusay in horay u aaminsanaayeen in weerarkaa saan lagu dilin haba yaraatee xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ay ahaayeen ciidankooda

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in si taxadar ku jira baaritaan ugu hayeen arrintan, isla markaana ay ogaadeen in cida lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen maleeshiyo deegaanka.

Ugu danbeyntii, xiisad ka dhalatay duqeyntaas ayaa waxay keentay in maamulada Puntland iyo Galmudug ay hawada isu mariyaan hadalo kulul, waxaana bishii hore ka qarxay dagaal galbeedka magaalada Gaalkacyo, kaasoo labo jeer oo heshiis xabad joojin la gaaray uu dhaqan geli waayay, iyadoo dagaalka halkiisa ka sii socday.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!