Mareykanka oo soo dhooweeyay doorashada Shariif Xassan Sheekh Aadan

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Washington : HN :–Wakiilka gaarka ah Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa soo dhaweynayay doorashadii Nov, 17 ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo maamulka Koonfur-galbeed ay madaxweyne ugu doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay u hambalyeyneyso intii ka qayb-qaadatay in shirkaas heer doorasho gaaro, sidoo kalena wuxuu xusay inay dareemayaan doorka gur-racan ee ay dowladda Soomaaliya ka ciyaartay inay shirkan fududeyso.

“Mareykanku wuxuu soo dhaweynayaa doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday Baydhabo, waxaana ku guubaabinaynaa hogggaanka laShariif_Xasan_Shirka_Baydhabo doortay ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia inay ka shaqeeyaan sidii maamulku uu u noqon lahaa mid laga wada-qaybqaato oo ay ka dhex muuqdaan bulshada gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose ku dhaqan,” ayuu yiri ergayga Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

Ergayga ayaa sheegay tani ay fududeynayso nabad iyo xasilloonida goobaha uu maamulkan ka talinayo. Waxaa kaloo uu ku dhiirrigeliyay maamulka in wada-hadallo ay furan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay garab-istaagto dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, ayna wadi doonto taageeradeeda ah in Soomaaliya ay gaarto nabad buuxda, xasillooni iyo mustaqbal wanaagsan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!