Markab la sheegay in uu sidday daroogo oo lagu qabtay badda Soomaaliya

by admin | Monday, Oct 6, 2014

Muqdisho : HN :– Ciidamada dowladaha New Zealand iyo Australia ayaa gacanta ku dhigay markab nooca rakaabka qaada ah oo ay ku rarneyd daroogo, xilli ay xeebaha Soomaaliya ka fulinayeen howlgallo ka dhan ah burcad badeedda.

Bayaan ay soo saareen ciidamada difaaca dowladda New Zealand ayaa lagu sheegay in shixnad daroogada xashiishka loo yaqaanna ah oovn qiimaheeda lagu qiyaasay ku dhowaad 246 milyan oo doollar ay ka timid dalalka Carabta, loona soo waday Soomaaliya.

Afar cisho oo ay baddu xumayd ayaa ciidamada is garabsanaya waxaa u suurtagashay inay baaritaan ku sameeyaan markabka oo lagu magacaabo Toowoomba, waxaana ay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay ka soo saaraan xashiish uu tankiisu gaarayo 5,588 kg oo ku jiray boorsooyin sida bayaanka lagu sheegay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!