Marxaladda Quusta iyo Is Maqiiqa Maamul Goboleedyada! Qeybta-1aad, WQ: Bashiir Cali Barre

by Yahye | Friday, Jun 27, 2014

Sida aad ciwaankaba ka aragtaan waa laba xaaladood oo midba gaarkeeda u noqon karo ciwaan madaxbaan ”dhammays ah”.

Inaan hal ciwaan ka wada dhigo waxaa sabab u ah saamaynta ay maamul goboleedyadu ku leeyihiin xaaladda quusta ah ee dalka soomaaliya

>>waxyaalaha aan ku faaqidi doono waxaa kamid ah haddii ALLE idmo.-

-SOOMAALIYA waa tuma?.

– Maxay caan ku ahayd, maxayse hadda caan ku tahay?.

– Meeqa mar ayaa la baddaley magaca-buuxa ee dalka, danteese laga lahaa bedalladaa?

– Dhaqan-burbur ”Xeerbeegtiburbur

– Kala danbayn la’aanta taagan

iyo qaar kale oo maamul beeleedyada ku saabsan<<.

MARXALADDA QUUSTA

Soomaaliya waa dal ku yaal geeska afrika ”Horn of Africa”, sanadkii 1960kii ayaa Soomaaliya heshay madax bannaanideeda, waana dalka 12aad ee qaaradda Afrika dhinaca ku kala horeynta xorriyadda.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku tillaabsatay guulo la taaban karo intii ay wadatay magacan (J. SOOMAALIYA).

Magacyada dalkeenna soo maray waxaa kamid ah:-

Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960-70 (Wuxuu ku baxay hadaf dad Soomaali ah)

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya 1971-1991(Yeeriskii gaashaanbuurtii Warsow)

Jamhuuriyadda Federalka (Beeleysiga) Soomaaliya 2004- (Yeeris dhinacyo badane ahaa)

waxyaalaha salka u ah in ay yaraato rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan soo noolaanshaha dowladnimadii iyo kala danbayntii dalka, waxaa kamid ah;

-DHAQANBURBUR ”XEERBEEGTI LA’AAN”

-BURBUR DIINEED ”URURRO DIIMEEDYO”

-SIYAASAD XUMADA MADAXDA DALKA

-ISKU MILANKA DHAQANKA, SIYAASADDA iyo DIINTA.

Dhammaan qodobbadan 4ta ah iyo qaar kaloo badan, waxay ummada Soomaaliyeed galiyeen raja xumo aad u mugwayn, sababtoo ah, dadku ma wada ahan ARAGTIGAAB iyo FIIRODHAWE!

-DHAQANBURBUR ”XEERBEEGTI LA’AAN”-

Dhaqankii suubbanaa ee Soomaaliyeed waxaa la oran karaa badi meesha ayuu ka baxay ama waxaa ka haray kuwo magacii uun wata ee aan saan, sinji iyo summadba la wadaagin dhaqanka xeerbeegtidii hore ee soomaaliyeed. Aan si kooban idiinkugu dul maro heerka ay Soomaalidu ka gaarsiisnayd hab-wada dhaqanka xeerbeegtigu salka u yahay, halkuu maanta marayo iyo sababaha ugu waawayn ee dhulka ku dhigay.

Soomaalidu waxay ahaayeen ummad xeer-dhaqankoodu uu la awood yahay xukun dowladeed dhicana arrimaha gudaha, dhibaato kasta oo timaaddana waxaa ka booga dhayi jirey odayada iyo wax garadka, sida; Ugaasyo, nabaddoono, caaqilo/cuqaal, wabarro, iyo malaaqyo IWM, kuwaasoo magac kasta ha lahaadaane kan kulminayaa uu ahaa WAX GARADKA SOOMAALIYEED.

Qarnigii 19aad waxaa dalka iyo dhammaan qaaradda Afrika soo caga dhigtay gumeystihii caddaa, kaas oo la oran karo wuxuu dhaawac wayn gaarsiiyey hab-dhaqankii Soomaalidu hiddaha u lahayd, ”qormadaan kuma saabsana waxyeeladii uu gumeystuhu inoo gaystay, balse, waxaan u soo qaatay waa inuu qodob wayn ka yahay waxyaabaha dhulka dhigay hab-dhaqankii soomaalida”.

Gumeystuhu wuxuu bartay qaabka ay oday dhaqameedku ku xallin jireen, markay laba qolo dhexmarto wax dhibaato keeni kara sida dil, xoolo la kala dhoco, IWM. Markuu intaa meel ku qortayna wuxuu booskii ka riixday xeerbeegtidii soo jireenka ahaa oo gumeystihii ayaa noqdey ”XEER-BEEGTA XOOGGA WAYN”. Waligaa ma maqashey BARTIRE/BARTILE BUUGGA KUMA YAAL?.

Waxay ka mid ahayd dhacdooyinkii la soo gudboonaadey xeer-beegtidii xoogga wayneyd ”gumeystaha” mid ka mid ah aananse xogbuuxda ka hayn (WAAN JECLAAN LAHAA HADDII AAD FAAHFAAHINTEEDA HAYSO INAAD NALA WADAAGTO), waxaan ku maqlay in qabiilka sare ku xusan oo aan ka mid ahayn kuwa u diiwaan gashan ‘WAAXDA GUMEYSTAHA U QAABILSAN XALLINTA BEELAHA’ ay ula yimaadeen dacwo ka dhan ah qabiil kaloo Soomaaliyeed, markii dacwaddii laga dhageystay ayna sheegeen wixii laga halleeyay, ayaa buug-baaskii laga waayey qabiilkii dacwada ahaa, go’aankiina wuxuu ku soo afjarmey oraahdaas caanka noqotay; “BARTILE BUUGGA KUMA YAAL” illaa maantana la adeegsado.

Haddaba, haddii gumeystuhu xoog u adeegsadey xukun ka qaadistii odayaashii indhaha u ahaa xeerka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaa xigay ee ayana dhaawaca kale sii gaarsiiyey waxay ahayd dowladihii soomaaliya xukunkeeda isaga danbeeyey, oo ka dhigay shaqaale dowladda mushaar ka qaata.”Sharafi meesheedee Shilinkiinna ilaalsha”

illaa ay xukuumaddii kacaanku ku dhiirratay in dhammaan oday dhaqameedka soomaaliyeed ay isugu keento Xamar si looga dhaadhiciyo fekerka hanti wadaagga loona xifdisiiyo magacyada aabbayaasha Shuuciyadda ”LENIN iyo MARSK”. Ku lamaansoo, oday dhaqanka waxaa dowladdu hoy ay degaan uga dhigtay HOTEL CURUBA oon wada garan karno waxyaalaha aysan indhaha qof damiir lihi eegi karin ee halkaasi saldhigga u ahayd.

Xilligaas wali oday dhaqanku uma bahdilnayn siday iminka yihiine, qaar kamid ah ayaa afka furtay oo waydiiyey dowladda su’aalo ay ka mid ahaayeen:-

– Magaalada Muqdisho miyaanay dowladdu guryo ku lahayn?

– Haddii aysan ku lahaynse, ma la waayey guri qof Soomaali ahi leeyahay?

-Haddii taa la waayey se, maxaa diiday in meel xoogaa magaalada ka baxsan oo geedo haraca leh nala dejiyo?

Waxay ahayd farriin cad oo dowladda lagu dareensiinaayo inaan meeshu ahayn meel ay ku habboon yihiin dhaqanka soomaaliyeed. Sidaan maqlayna saacado kadib waa laga raray oo magaalka ayaa guryo laga dejiyay.

Markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee soomaaliya kadib, waxaa dhammaan la bedalay magacii ahaa DHAQANKA SOOMAALIYEED waxaana loo bedalay DHAQANKA BEESHA REER HEBEL, taasoo la macne ah in odayadii dhaqanku ay badiba ka qaybqaateen dagaalo beeleedyadii dalka halakeeyey illaa maantana ay sidaas u beelaysan yihiin. In kastoo aysan jirin dagaallo beeleedyo sidaas u badan, haddana, waxaa jira siyaasad beelaysan.

Halkaa marka aad marayso waxaa kuu soo baxaysa in odayadii soomaaliyeed ee waayo ahaa indhaha ummada soomaaliyeed aan looga fadhin:-

1- Inay sharaftooda dhawraan

2-Inay beelohooda xal waara u horseedaan

3-Inay xataa u muuq ekaadaan dhaqan soomaali xalkeeda ka biyo-keeni kara.

waxaase looga fadhiyaa ama laga filan karaa:-

1-inay abaabulaan dagaal beeleed

2-inay sandareerto ka qaataan cadawga ummada

3-iyo waxkasta oo dhaqan iska daaye xitaa aan ka suuragelin shaqsi caadi ah ay ku dhaqaaqaan.

Gablan tala adduuneey, maxay galabba heer joogtay.

-BURBUR DIIMEED-

Kadib burburkii dowladdii soomaaliya, waxaa dalka ka abuurmay ururro diimeedyo fara badan oo malahayga aan asalba isku aragti ka ahayn darajada diinta ee ay jeeni qaarsanaayeen, kala aragti duwanaashahaas waxaa ka marag ah sida ay markii danbe u kala qaybsameen.

Waxay soo jiitantaba waxaa la soo gaarey 2006dii markaas oo qoladii la magac baxday GMIS ay gacanta ku dhigeen in ka badan kala-bar dhulka soomaaliya. Maxaakiimtu waxay muujiyeen amni iyo kala danbayn aan aad u aqlaaqaysnayn, balse, wanaagsanaa marka loo eego tuugadii ay gacanta ugu jirtay dhammaan meelaha ay maxaakiimtu la wareegtay.

Alshabaabku markaa magac ahaan waa u jireen, laakiin, awood badan ma lahayn, markii madaxdii GMIS ay qaateen heshiiska ee la soo dhisay dowladdii midnimo qaran uuna madaxwayne ku soo baxay Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxaa si wayn uga soo horjeestay Shabaab oo markaas aan lahayn awood laga cabsado.

Awood darridii Shabaabka waxaa fallaarta ka siibay oo awood u noqday XASAN DAAHIR AWEYS oo asagu aan markaa ka tirsanayn Alshabaabka. Daahir Aweys wuxuu aas-aastay ururkii XISBUL-ISLAAM marka laga run sheegana weerada ciidamada dowladda lagu qaado waxaa badanaaba fulin jirey X.ISLAAM.

Tashkiilis iyo dib u xoogeysasho ka dib waan ka wada dherag sanahay halkey Xisbul Islaam ku danbaysey, awooddiina waxaa kala wareegay (hub iyo ciidanba) Alshabaabka ilaa maanta wax qasaaya.

Waxaa kale oo soo baxay AHLU SUNNA WALJAWAACA,

Sababta ugu badan ee loo aanayn karo aasaasanka ururkaas waxay ahayd daandaansiga Shabaabka oo aad u xasuuqi jirey suufiyada ay is leeyihiin caqabad ayey ku noqon karaan beentiinna. Ahlu sunna casharo ayey u dhigtay Alshabaabka oo meelo iyo magaalooyin badan ayey ka saareen, laakiin, midda aan la qaadan karini waayey waa inay ka amar qaataan cadow soo jireen ah oo ummada soomaaliyeed lahayd (ETHIOPIA)

Bal is waydii immisa heshiis oo DFS la gashay ayey ka baxeen? maxaa u sabab ahaa ka bixidaas? Ka hor, ma taqaan meesha lagu aasaasay? Markii ay is khilaafeen xaggee lagu soo heshiisiiyey? Warcelintu waa wada (ETHIOPIA).

Mashaariic badan oo awal xagga hoogaamiye kooxeedyada soo mari jiray ayaa loo soo leexiyey kooxaha diinta ku qaraabta, ee aan arxanka lahayn.

– ILAAHEY baan kugu dhaarshaye aqriste, ma waxaad aragtay Masjid qof Soomaali ah lagu dilo 2006dii ka hor? Hadduu jiro, tiro ahaan, intee la ekayd, marka loo eego xilligaa?.

– Ma waxaad aragtay gashaanti Soomaaliyeed oo la yiraahdo waan kaa helay mana i diidi kartid, haddaad i diiddana waad u dhimanaysaa?.

Soomaalidu waa is dili jirtay ilaa 20FAC, laakiin, ma dhicin qof walaalkaa Soomaaliyeed oo MUSLIM ah inta qoorta caloosha loo saaro in la yiraahdo ILAAHEY baan ugu dhawaanayaa dacar diimeedda ka hor. SUBXAANALAAH!.

La soco qaybta labaad ee qormada.

 

Bashiir Cali Barre

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!