Marxaladda Quusta iyo Is Maqiiqa Maamul Goboleedyada! Qeybta 2aad, WQ: Bashiir Cali Barre

by Yahye | Friday, Jun 27, 2014

Qaybtii hore ee qormada waxaan uga soo hadalnay, waxyaabaha keenay quusta ama dhaliyey. Qaybtan ee qormadan waxaan ku eegaynaa ISMAQIIQA MAAMUL GOBOLEEDYADA iyo heerka ay soo kala mareen iyo sida xaalka guud ee dalku yahay.

Maamul goboleed ”beeleed’ waa xaalad kale oo mugdi sii galinaysa rajada shacabka daallan ee Soomaaliyeed. Waayo, jufo kasta oo Soomaaliyeed haddey iskeed u tahay dowlad madaxbannaan, maxay nagala maqan tahay dowladnimadu?.

Maamul jufo-hoosaadyadu waxa ay Soomaaliya ka billowdeen 1991kii “Hargeysa” kuwaas oo maamul goboleed aan ku ekaysane sheegay inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een, dal kala qaybsamay oo laba dal noqday maahan wax aad loola cajabo, ee waxaa wax lala cajabo ah heerka uu gaarey awr ku kacsiga aan caqliga nadiifka ah ku dhisnayni. Bal eeg:- carruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobollada woqooyi ama ku abtirsada maanta ma maqli karaan magaca SOOMAALIYA iyo waxkasta oo u taagan astaan Soomaalinnimo, waayo waxaa loo sheegay in Soomaaliya ay xasuuqday waalidiintood, haba ugu badnaadeen beesha dhexe.

Waxaa la tusay lafaha Soomaalidii ka soo qaxday kilil 5 ee SNM-tu ku xasuuqday gobollada woqooyi hayb qabiil darteed, laakiin, dhallinta waxaa laga dhaadhiciyey in lafahaani yihiin waalidiintoodii Somalilanders-ka ahaa, ee Soomaaliya ay xasuuqday.

Waqti aan sidaa usii fogayn ayaa nin hore wasiir uga ahaan jirey Hargeysa sheegay in qaar ka mid ah wasiirrada maamulkaasi ay la shaqeeyaan Alshabaab, gaar ahaan wasiirka madaxtooyada mudane Xersi, ninkaas isla markiiba xabsi ayaa loo taxaabay mana maqal ilaa hadda sii dayntiisa, waxaan se aaminsanahay in warkiisa wax ka jiraan, maxaa yeelay, haddii uu been ka sheegaayo wasiirrada, maxay isku difaaci waayeen ayagoon awood ciidan iyo xabsi adeegsan?

Dowlad gaar ah sheegashada marka laga yimaado la shaqaynta urur-dulliga shabaab waa danbiga labaad ee ay Soomaali ka galeen maamulka woqooyi-galbeed aan se xaqiiqda loo hayn xamasho mooyaane.

Maamulkaani kuma qaldana inuu la tartamo dowladda federalka ah ee soomaaliya, waayo, ayagaa sheeganaaya inay yihiin dowlad madaxbannaan oo muddo 23sano ah adduunku aqoonsigii ku ciilay xaqna u leh in loo qaabilo sida dowlad dhammaystiran. ”ismaqiiqa somaliland waa xaq”

Sanadkii 1998dii waxaa Soomaliya laga aasaasay maamul beeleedkii 2aad ‘PUNTLAND’ punt waxaa dhistay oo ku heshiiyey inay maamul goboleed samaystaan dhammaan dadka beesha Daarood ku abtirsada ee deggan gobolada; Nugaal, Bari, Sool Sanaag iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug. Hadafta loo aasaaseyna waxaa lagu sheegay in Puntland tahay maamul hoosaad dadka deegaankaas dega kala haga, qaybna ka qaata sidii loo heli lahaa dowlad soomaaliyeed.

Haddaba, ma ka run sheegeen hoggaamiyeyaashii isaga danbeeyey madaxnimada maamulkaasi inay ka qaybqaataan sidii loo heli lahaa dowlad soomaaliyeed mise lugta ayey ku dhageen ilaa mid ay atooreyaal ka yihiin maahane?.

Hoggaamihii 1aad wuxuu ahaa C/laahi Yuusuf Axmed oo noqday madaxweynihii ugu horeeeyey ee Jamhuuriyadda beelaha soomaaliyeed (Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed)

Intii Col. Yuusuf Yeey uu hoggaaminaayey Puntland waxaa Soomaaliya soo martay dowlad uu madaxwayne ka ahaa Mudane C/qaasim Salaad Xasan, waa dowladdii lagu soo dhisay dalka jabuuti tuuladiisa Carta (TNG).

Mudane C/laahi dowladdaas wuxuu uga soo horjeestay si aan caadi ahayn, markaan ku leeyahay si aan caadi ahayn waxaan ka wadaa:- mucaaradnimadu maahan wax aad loola yaabo oo dunida dhan ayaa mucaarad & muxaafid ah, laakiin, Col. C/laahi Yuusuf wuxuu isku darsaday mucaaradnimo heersarraysa, cay shaqsiyan uu madaxweynihii dowladdaas ku weeraray iyo midda ugu daran oo ahayd inuu xaaska madaxwaynaha kaga hadlo si aan asluubeysnayn: “Gabadha uu ina Salaad Booy qabo anaa aqaan, waa ay ila shaqayn jirtay, lacag badan baan siin jirey.

Dhammaan horjooyeyaashii soo maray maamulka Puntland waxay ka sinnaayeen inay mucaarad ku ahaayeen dowladihii dhexe ee Xamar xaruntoodu ahayd, marka laga reebo Gen. Cadde Muuse oo asna la mucaarad la’aa in dowladda dhexe ee Xamar uu ina adeerkiis Puntlander ah “C/lahi Yuusuf” madax ka ahaa xumaan iyo samaanna uu ku garab taagnaa, gaar ahaan xumaanta iyo xasuuqii ay ka gaysteen koofurta iyo Xamar.

Waxyaabaha markaan maqlo ay quustu igu 3jibaaranto waxaa ka mid ah ‘Dastuurkii aynu Garoowe ku diyaarinnay qodobbo ayaa laga badaley’

-Talow dastuur baaskani ma rismi buu ahaa mise qabyo?

-Hadduu rismi ahaa xitaa yaa awood u leh inay waxka bedalaan?

-Mise waa tan ugu darane waxaa jirey qodobbo Puntland si gaar ah u naas nuujinaaya?

“ISMAQIIQ AAN LOO MEEL DAYIN MICNE DOWLADEEDNA AAN MEEL KAS OO GALIN”.

Waxaan filayaa markaan su’aashii ahayd [madaxda/dii Puntland ma ka qaybqaataan sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed mise lugta ayey ku dhageen ilaa mid ay atooreyaal ka yihiin maahane?], inaad hadda jawaab waafi ah u heshay, is indha tiriddu waa meesheede.

WAXAAN MAQLI JIREY DERISKAA DIINTIISA KUU YEEL:-

Maalin dhexdaa ah waxaa lagu dhawaaqay Guddiga dib u eegista dartuurka qabyada ah. Guddiga waxaa soo xulay oo golaha wasiirada horkeeney wasiirka caddaalada iyo dastuurka mudane Faarax Topaz goluhuna cod aqlabiyad ah ayu ku ansixiyey. Isla maalmihiiba waxaa afka furtay oo si cad uga soo horjeestay maamulka Galmudug.

-Taloow ma waxay rabeen in lagala tashado?

-Ma xubnaha shanta ah ayeysan ku jirin shaqsi beeshaas ku abtirsada?

-5 xubnood oo Soomaaliweyn ka dhaxaysa qasab ma tahay in jufada sacad ay xubin ka hesho?

Xog buuxda kama hayo waxa ay ku sababeeyeen ka hor imaashohooda guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka qaranka, balse, figradda aan ka haystaa waxay tahay “SI AAN MAAMUL AHAANSHEHEENU MURAN U GALIN AANU IS MAQIIQNO MARKEENA”

Bashiir Cali Barre

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!