Marxuum Xusseen Sh Axmed Kadare oo galabta la aasay

by admin | Sunday, Feb 1, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa gallabta magaalada Muqdisho lagu aasay alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Sh. Axmed Kadare oo maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya iyo kuwo hadda xilal ka haya dowladda Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb-gashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cadde Gaabow, guddoomiyaha gobolka Banaadir & duqa Muqdisho Jen. Xasan Muun-gaab, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Jeneral Daa’uud ee Muqdisho, iyadoo aaska kaddib halkaas laga sheekeeyay taariikhdiisii iyo weliba howlihii uu ka soo qabtay dalka intii uu noolaa.

Sidoo kale, marxuumka oo ku dhintay 80-sano ayaa wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee qoray Af-Soomaaliga, isagoo kasoo201521635583836341489523Aaska_Marxuum_Dr_Kadare (5) shaqeeyay Radio Muqdisho, wuxuu kaloo ahaa abwaan iyo qalin-maal buugaag fara badan qoray, isagoo sidoo kale soo noqday agaasimihii akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Allaha u raxmadee Marxuum Xuseen Sh. Axmed Kadare ayaa wuxuu sameeyay intii aan la qorin farta Soomaaliga, far loogu magic-daray Kadare, fartaas oo ka gashay kaalinta labaad qiimeynta farihii la qoray ee Af-Soomaaliga.

Tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia marxuumku wuxuu ku howlanaa horumarinta farta Soomaaliga, isagoo ka qaybgalay shirar kala duwan oo looga hadlayay sidii Af-Soomaaliga loo horumarin lahaa.

Ugu dambeyn, dhammaan madaxdii ka qaybgalay aaskiisa iyo kuwa kale ee Somalia ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu dhaxal ma guuraan ah uga tagay ummadda Soomaaliyeed, taasoo mar walba lagu xusuusan doono.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!