Masar oo ku baaqday in si dhaqse ah loo xaliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda Soomaaliya

by admin | Monday, Nov 10, 2014

Qaahira : HN :– Dowladda Masar iyo Jaamacada Carabta ayaa si wadda jir ah ugu baaqay in xal loo helo khilaafka baahsan ee u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ku baaqay in la qabto shir looga hadllayo arrimaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda Masar, Saamix Showkari ayuu ku sheegay inay muhiim tahay in ururka Jaamacadda Carabta ay ka qaadato kaalin weyn dhexdhexaadinta madaxda dowladda Soomaaliya.

“Khilaafkani wuxuu sababi karaa cawaaqib xun oo ku yimaada nidaam lagu dhiso dowladda Soomaaliya, gaaridda dib u heshiisiin Qaran iyoWasiirka_Arrimaha_Dibadda_Masar Soomaaliya oo doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka iyo weliba in dastuurka dalka la dhameystiro,” ayuu Showkari ku yiri war-warsaxaafadeedkiisa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay xukuumaddiisu ay aad u daneynayso xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda Somalia, isagoo sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir fog oo taariikhi ah.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka qaybgalayso shirka lagu qabanayo caasimadda Denmark ee Copenhagen si ay taageero uga geystaan higsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka, kaasoo qorshihiisu yahay in Soomaaliya dib loo dhiso.

Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya ayay si weyn caalamku uga walaacsan yihiin, iyagoo baqdin ka qaba in rajada laga qabo Soomaaliya inay dhibaatada iyo colaadaha ka baxdo ay suurogal noqon waydo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!