Masjid Somali aay leedahay oo dab la qabadsiiyey wadanka Sweden, dadkii gudaha ku jiray oo is badbaadiyey

by Yahye | Thursday, Dec 25, 2014

Eskelstuna: HN:- Wararka ka imaanaya magaalada Eskelstuna ee wadanka Sweden ayaa sheegaya in galabta masjid ku yaala magaaladaasi lagu weeraray qaraxyo gacanta laga tuuro qaraxaan oo dhaliyey dab aad u xoogan kaasoo dhamaan waxyeelo gaarsiiyey masjidkii.

Xiligii weerarku dhacayay ayaa waxaa gudaha masjidku ku sugnaa Soomaali gaareysa ilaa 20-qofood, nasiib wanaag wax ku dhintay ma jiraan waxaaase dhaawac fudud uu soo gaaray 5-qofood kuwaasoo hada lagu dabiibayo cisbitaalka magaaladaasi.

Imaamka Masjidka ayaa sheegay in markii aay arkeen dabka oo si dhaqso ah u faafay aay dadkii gudaha ku jiray banaanka u saareen, iyagoo qaarkood aanay wadan kabo iyo Jaakado, waxaana banaanka dhacayay qobow aad u daran.Sweden6

Maaha markii ugu horeysay ee la weeraro masjidkan horey ayaa weeraro aan qasaaro geysan loogu weeraray, markanse waxaa gebi ahaanba baabaáy dhismihii masjidka.

Waxaa loo maleynayaa kooxaha xagjirkaa inay geeysteen dhibkan inkastoon wali la cadeyn, Booliiska magaalada ayaa wuxuu bilaabay baaritaan cidii ka dambeysay, afhayeenka Booliiska magaalada Esklistuna ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan marqaatiyo sheegay inay arkayeen shaqsi wax ku tuuray masjidka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!