Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo weerar lagu qaaday

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Shabeellaha hoose : HN :–Wararka naga soo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolkaas Sh/hoose Abuukar Isaaq Al-cadaala uu ka badbaaday weerar ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Al-Cadaala ayaa tilmaamay in xoogag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay dagaal kula galeen inta u dhaxeysa deganada Balidoogle iyo Leego ee gobolka Sh/hoose ka tirsan.

“Weerarka ay Al-Shabaab nagu soo qaadeen waxaa uu ka dhacay shalay meel ku dhow halka loo yaqaano Tabeellaha madaxa Madow ee gobolkabooliska-jowhar Sh/Hoose” ayuu intaa ku daray Al-Cadaala

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadiisa ay iska caabiyeen xoogagii hubaysnaa ee Shabaabka ka tirsan, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ayna khasaare xoogan u geysteen, isagoo aan sheegin khasaaraha dhinacooda soo gaaray.

Waxaa uu beeniyay guddoomiyaha warar ay baahiyeen Al-shabaab oo ahaa in uu dagaalkaasi ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay inuu fiican yahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!