Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo ka badbaday isku day dil

by admin | Tuesday, Feb 3, 2015

Gaalkacyo : HN :-Qarax miino nooca meelaha fog laga ayaa maanta magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Maxamuud Cali Yuusuf (Gaada Yare).

ararka Gaalkacayo laga helayo ayaa sheegaya in mas’uulkaas wax dhibaato ahi kasoo gaarin qaraxa, balse uu dhaawac fududi soo gaarey mid kamid ah ilaaladiisa.Mas’uuliyadda weerarkan weli cidi ma sheegan, haseyeeshee saraakiisha laamaha ammaanka gobolka Mudug ayaa ku eedeeyeyGaalkacyo Ururka Al-shabaab.

Maxamuud Gaadayare ayaa muddo 16 sano ka badan soo ahaa xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyadda Puntland ku leedahay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo.

Bil kahor ayey ahayd markii sidan oo kale qarax loola beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!