Mas’uul ka tirsanaa wasaarrada arrimaha dibada oo Muqdisho lagu dillay

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Muqdisho : HN :– Rag hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay ku toogteen agagaarka xaafadda Buula-Xuubey ee degmada Wadajir howl-wadeen ka tirsanaa wasaarrada arrimaha dibada.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay gaari ay rasaas la beegsadeen gaari uu watay howl wadeen ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Juusto.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaasta, iyadoo weerarkan uu la mid yahay weeraro horaymuqdisho (1) uga dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Kooxihii hubeysnaa ee dilkan geystay ayaa ku baxsaday gaarigii ay wateen, waxaana mar dambe goobta falka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo howl gallo ka sameeyay halkii weerarka ka dhacay.

Dilkan ayaa ku soo beegmay wax yar uun kaddib markii rag ku hubeysnaa bastoolado oo watta Mooto ku toogeen degmada Dherkeenley labo gabdhood oo la sheegay in ay ardey ahaayeen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!