Mas’uul loo xiray shilkii diyaaradeed ee cayaartooyda ay ku dhinteen

by wadani | Wednesday, Dec 7, 2016

Bolivia : HN :-Xukuumadda Bolivia ayaa xirtay madaxii shirkaddii lahayd diyaaraddii burburtay ee dishay 71-da ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inta badan ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee reer Brazil ee Chapecoense.

Gustavo Vargas, oo ah Jeneraal hore oo ciidammada cirka ah ayaa loo xiray baaritaan ku saabsan burburkii diyaaradda.

Diyaaradan oo ay maamulaysay shirkadda yar ee diyaaraddaha ee LaMia airline ayaa kooxda u sii qaaday Colombia ka dib na waxaa ka dhamaaday shidaalkii.

Sarkaalad reer Boivia ah ayaa sheegtay in bayloodku uu uga digay dhibaatada ka hor inta aysan diyaaradduba soo duulin.

Sarkaaladdaas oo lagu magacaabo Celia Castedo, ayaa hadda Brazil ka dalbatay magangalyo siyaasadeed, iyada oo sheegtay in ay la kulantay hanjabaad iyo tacadiyo.

Kooxda kubadda cagta ee Chapecoense ayaa u safraysay Medellin si ay lugta hore ee ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka Sudamericana Cup ula soo dheesho kooxda Atletico Nacional.

Diyaaradda oo nooceedu ahayd Avro RJ85 oo ay samaysay Dawladda Britain ayaa shidaal la aan noqotay iyada oo ku sii dhaw garoonka magaalada Medellin taariikhdu markay ahayd 28 November.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!