Mas’uuliyiin iyo Injineero ka howlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la weeraray

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen shaqaalle iyo Injineero ka tirsan howlwadeenada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaddib markii kooxo hubeysan gaari ay la socdeen mas’uuliyiinta ku weerareen Is-gooyska korantada.

Warar hore dhaca ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta saakay waeerarka lagu qaaday uu ka mid ahaa maariyaha garoonkamuqdisho (1) diyaaradaha magaalada Muqdisho Cali Madoobe oo la sheegay in uu dhaawac soo gaaray lana dhigay isbitaalka Madiine ee magaalada Muqdisho.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay  warbaahinta in gaariga uu la socday maareeyaha uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xafiiskiisa ku yaal, waxaana gaari kale oo rag dabley saarnaayeen ay soo daba dhigteen, kadibna ay ku hor-gooyeen, waxaana ay ku fureen rasaas.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday gaadiidka ay la socdeen mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada garoonka diyaaradaha Muqdisho lamana hayo faah faahin intaa dhafsiisan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!